Imaanshaha

Markaad soogasho meeshii aad kadagi lahayd Maraykanka, wakiil kasocda Wakaalada Dib udajinta ayaa kula kulmaaya garoonka. Wakaalada Dib udajinta waa urur khayri ah kaasoo heshiis rasmi ah kula jira Dawlada Maraykanka inay kawada shaqeeyaan caawinta qaxootiyaasha soogalaaya Maraykanka ayadoo loomaraayo USRAP. Wakaaladaha Dib udajintu waxay caawinayeen qaxootiyada dhamaan daafaha caalamka inay dagaan Maraykanka mudo tobanaan sano ah. Hoos ka baro wax badan oo ku saabsan Imaanshaha Maraykanka.

Arrival

Dooro qaabka aad u baranayso xogta ku qoran boggaan. Waxaad daawan kartaa muuqaal, waxaad soo degsan kartaa xaashida xaqiiqooyinka, ama waxaad dhagaysan kartaa cod. Dookh kasta wuxuu bixinayaa xog iskumid ah.  

Talaabada 6: Imaanshaha

Wakaaladaada Dib udajinta waxay masuul katahay inay kaa caawiso adeegyada aasaasiga ah 30-90 ka maalmood ee ugu horeeya markaad Maraykanka timaado. Shaqaalaha Wakaalada Dib udajintu waxay xaqiijinayaan inaad guri hesho bisha kuugu horaysa Maraykanka, waxayna kuu raadinayaan guri nadiif ah, qiima jaban, oo kuyala xaafad amaan ah. Waxaad yeelanaysaa xaqa sharciga ah iyo masuuliyad inaad Maraykanka kashaqaysato oo Wakaalada Dib udajinta ayaan kugu xiraysa adeegyada shaqaalaysiinta. Haddaad leedahay caruur iskuul gaartay, waxay gali karaan iskuullada dad waynaha ee bilaashka ah.

Isla marka aad timaado Maraykanka, waxaad kuxuquuq tahay dadka kale ee Maraykanka kunool, ayna kujiraan xoriyada hadalka, xoriyada diinta, xoriyada kulanka, iyo xoriyada dhaqdhaqaaqa.  Laguguma xiri karo ama xabsi laguguma gaynkaro inaad cabirtay fikirkaaga, kudhaqantay diintaada, ama aad lakulanto koox saaxibo ah. Kadib sanadka koobaad, waa inaad ku habbaysaa heerkaaga socdaalka daganaanshaha rasmiga ah ee sharciga ah ee Maraykanka, shan sano kadibna, waxaad codsan kartaa muwaadinnimada Maraykanka. Markaad noqoto Muwaadin, waxaa lagaa rabaa inaad kacodaysid dooroshooyinka maxaliga ah iyo kuwa qarankaba.

Arrival
Arrival

Suaalaha Inta Badan La Iswaydiiyo

Wakaalada Dib udajinta ayaa kaacaawinaysa inaad hesho guri, ballamaha caafimaadka, taageero dhanka raadinta shaqo, iyo adeegyo kale oo muhiim ah mudo ugu yaraan 30-90 maalmood ah kadib markaad soogasho Maraykanka. Wakaalada Dib udajintu waxay sidoo kale kaacaawinaysaa inay kusiiso qalabka guriga, cunto, dharka xiliyeedka aasaasiga ah, iyo waxyaabaha kale ee shaqsiga ah. Waxaad xaq uyeelanaysaa inaad shaqayso waxaana lagaa doonayaa inaad shaqo raadsato aadna iskufilnaato sida ugu dhakhsaha badan.

Haa, Wakaaladaada Dib udajinta ayaa kaacawinaysa inaad hesho caawimaad dhanka raadinta shaqo ah meelkasta oo aad degto. Inaad shaqo hesho waa muhiim dalkaan Maraykanka, shaqadaada koobaadna manoqonayso mid lamid ah ama isku nooc ay yihiin shaqadii wadankaaga. Waxay noqon kartaa heer biloow ah, shaqo lasiiyo dadka aan khibrada lahayn, waxayna sidoo kale noqon kartaa mid kumeelgaar ah ama nus gelin ah.. Maadaama qiimaha nolasha ay aad usarayso Maraykanka, waa wax caadi ah, raga iyo dumarkuba waa inay shaqeeyaan meel ka baxsan guriga.

Gadiidka dadwaynha ayaa laga helaa inta badan magaalooyinka wadanka Maraykanka. Gaariyaal looma bixiyo sidii qayb nidaamka dib udajinta ah. Sidaas awgeed, waxay ubadan tahay inaad raaci doonto gaadiidka dadwaynaha si aad ugaarto shaqadaada koobaad.

Majiraan xeryo qaxooti oo Maraykanka kuyaala; sidaas awgeed, kuma noolaanaysid xero qaxooti. Guryuhu way kaladuwan yihiim gooba goobta kale. Si guud, guryaha la bixiyay waa guryo dhexdhexaad ah lagu qalbeeyay alaab ay ku deeqeen xubnaha kale ee bulshadda maxaliga ah, Waxaa iska caadi ah in dhismayaasha dabaqyada ah ladajiyo qaxootiga lakeeno dad kala duwan oo isiro kala duwan leh iyo midabo, dhaqamo, diimo, iyo nolol hore intaba.

In Maraykanka laguu keeno qaxooti ahaan waxay kuufasaxaysaa in aad halkaas dagto si rasmi ah oo kama damaysta aad codsato muwaadino. Waa inaad latashataa Wakaaladaada Dib udajinta maxaliga ah kahor intaadan isu diyaarin safar aad ku aado dibada Maraykanka. Qofkasta oo leh sharci qaxootinimo ama daganaansho sharci ah waa inuu helaa dukumiintiga socdaalka ee qaxootiga kabaxaaya Maraykanka. Tani waxay lamid tahay baasaboorka waxaana lagaa rabaa inaad kusoo noqoto Maraykanka. Go’aankaaga ah inaad dagto Maraykanka waxaan suuragalayn kama dhigayo inaad kulaabato wadankaagii hooyo, laakiin inaad sidaas samayso adoon wali noqon muwaadin waxay saamayn kuyeelanaysaa sharcigaaga Maraykanka.

Tilmaamaha dalbashada dukumiintiga safarka waxaad kaheli kartaa halkaan:

http://www.uscis.gov/sites/default/files/files/form/i-131instr.pdf

Xubnaha uqalma ee qoyskaaga kuwaasoo kujiri karay kiiskaaga kuwaasoo Maraykanka kusoo raacaaya ayna kujiraan xaaskaaga iyo caruurtaada aan wali guursan ee kahooseeya da’da 21. Hadii xaaskaaga ama caruurtaada aan guursan ee kayar da’da 21 aysan kuqornayn kiiskaaga, waxay kuusoo raaci karaan Maraykanka hadday xaq uleeyihiin dib udajin.  Waxaad sidoo kale ikhtiyaar uheli kartaa inaad codsi udirto waalidkaa in dib loo dejiyo Maraykanka, ayadoo kuxiran sharcigaagaa qaxootinimo (qaxooti, daganaansho rasmi ah oo sharci ah, ama muwaadin Maraykan ah), waxaad xaq uyeelan kartaa inaad codsato in qaraabo kale ay u soo haajiraan Maraykanka. Wakaaladaada Dib udajinta ayaa kaacaawinaysa dadaalada dib umidaynta qoyskaaga kadib markaad dib laguu dejiyo. Macluumaad dheeraad ah oo kusaabsan cida aad udacwoon karto waxaad kahelaysaa http://www.uscis.gov.

Ready to test your knowledge?

Education Settle in app

Download the Settle In App

Get unlimited access to hundreds of lessons designed for all learners

Apple Store icon
Get it on Google Play store
Settle In App

Test your Knowledge

With short videos and interactive lessons, you can learn about a wide range of pre- and post-arrival resettlement topics like traveling to the U.S., housing, and looking for a job.