Safarka

Wakhtigan, RSC waxay lashaqaynaysaa Ururka Caalamiga ah ee Soogalootiga, ama IOM, si loo sameeyo jadwalka duulimaadkaaga Maraykanka usafrayso. Maadaama aad tahay qaxooti sharci ah, waxaad xaq uleedahay in lagu siiyo lacag dayn ah oo aan dulsaar lahayn si aad ubixiso qarashaadka safarkaaga waana inaad saxiixdaa Heshiis Ogolaansho ah (Promissory Note) kaasoo aad ubalan qaadayso inaad dib ugu bixinayso daynta mudo sadex sano iyo badh ah gudahood kadib markaad gaarto Maraykanka. Hoos ka baro wax badan oo ku saabsan u Safarida Maraykanka

Travel

Dooro qaabka aad u baranayso xogta ku qoran boggaan. Waxaad daawan kartaa muuqaal, waxaad soo degsan kartaa xaashida xaqiiqooyinka, ama waxaad dhagaysan kartaa cod. Dookh kasta wuxuu bixinayaa xog iskumid ah.  

Talaabada 5: Safarka

Waa inaad sugtaa ilaa macluumaadka safarkaaga laxaqiijiyo ayna xaqiijiso IOM kahor intaadan gadin alaabtaada, aadan fasaxin shaqadaada, ama aadan kasoo tagin gurigaaga.

Wixii quseeya diyaarinta safarka, waxaad helaysaa caawimaada soo socota:

  • Inaad hesho dukumiintiyada safarka ayna kujiraan fasaxa kabixida wadanka, markay macquul tahay, iyo fiisooyinka soogalida iyo marida.
  • Jihaynta safarka kahor:

Waxaa siidheer macluumaadka safarka laxariira ee lagugu siiyay Barashadaada Dhaqanka, waxaa lagu siinayaa macluumaad dheeraad ah oo quseeya jadwalada aad duulayso, shuruucda diyaarada, shuruudaha macmiilka, iyo caawimada gaarka ah ee aad ubaahantahay in lagu siiyo intaad kujirto safarka dhexda iyo markaad timaado Maraykanka.

  • Uqaadida garoonka iyo caawimaad markaad soogalaysid:

Waa lagu caawinayaa marka aad maraysid baaritaanka duulimaadka, siiba kastamka sharciyada socdaalka ee madaarka.

  • Caawimaada farsamo ama caafimaad:

Musaafiriinta ubaahan caawimaad gaar ah inta lagu jiro safarka caawimaada ay ubaahan yihiin ayaa lasiinayaa.

  • Caawimaada safarka dhexda ah:

Waxaa lagaa caawinayaa meelaha ay diyaaraduhu kabaxayaan, wixii kordhin waqtiga bixitaanka ah oo macquul ah, iyo cuntooyinka iyo adeegyada inta lagu jiro safarka hadba sidii loogu baahdo, waxaana kaacaawinaaya IOM ama adeega qandaraashle katirsan IOM.

  • Caawimaada imaanshaha:

Waxaa laguugu imaanayaa garoonka aad kaso gasho Maraykanka waxaana kuugu imaanaaya shaqaalaha IOM waxaana lagaa caawinayaan sharciyada soogalista ayna kujiraan ku xidhida duulimaadyada sii baxaya.. Markaad tagto meesha aad kadagaysid Maraykanka, waxaa kula kulmaaya wakiil kasocda Wakaaladaada Dib udajinta.

Travel
Travel

Suaalaha Inta Badan La Iswaydiiyo

Kahor inta aadan safrin, waxaad saxiixaysaa Heshiish Ogolaansho si aad ubalan qaado dib u bixinayso kharashka noolka diyaarada ee qofkasta oo kiiskaaga kujira. Kadib markaad soogasho Maraykanka, waxaad haysataa 42 bilood inaad dib ugu bixiso dayntan bilaa dulsaarta ah. Bixinta daynta waxay guud ahaan bilaabataa lix bilood kadib markaad soogasho Maraykanka. Waxaad dib ugu bixinaysaa daynta si bile ah oo kuqoran heshiiska daynta. Lacagta aad bishii bixiso waxaa loo dirayaa Wakaalada Dib udajinta loo asteeyay Heshiiska Ogolaanshaha. Wakaalada Dib udajintu waxay intaas kadib u magdhabaysaa lacagta IOM si loogu suuragaliyo in dadka kale ee daynta raba lacag uhelaan. Degdeg dib ugu bixinta daynta safarka waxay ka qayb qaadataa sii wadida barnaamijka daynta safarka waxayna kaacaawinaysaa inaad qiimayn sharaf ah kuyeelato Maraykanka. Hadaad dhibaato kuqabto bixinta dayntaada waa inaad Usheegtaa Wakaaladaada Dib udajinta;duruufaha qaarkood lacagta daynta ayaa lagaa yaraynkaraa ama shuruudaha lacag bixinta ayaa laguu kordhin karaa. Waa muhiim inaad kalahadasho Wakaaladaada Dib udajinta wixii kusaabsan Heshiiskaaga Ogolaanshaha markaad timaado.

Kahor intaadan safrin, IOM waxay sidoo kale kusiinaysaa macluumaad kusaabsan xadidka shandadaha iyo waxyaabaha aadan qaadan karin markaad Maraykanka aadayso. Fadlan ogoow oggolaanshaha shandaduhu inay aad u adagyihiin IOM na ma bixin karto kharashka ama dhanka kale ma qaadan karto masuuliyada wixii shandado dheeraad ah. Hadaad haysato shandado dheeri ah, waa inaad waxyaabo badan oo kamid ah kuwaaga shaqsiga aad kureebto garoonka si aad ubuuxiso kaliya shandadaha laguu ogolyahay inaad qaadato.

Si guud, shandadaha la ogolyahay waxaa lagusoo koobaa labo shay oo 23kg ama 50 rodol ah oo sito qofkasta oo safraaya oo tigidh wata (marka laga reebo caruurta aad ka uyar, kuwaasoo aan loogu talagalin inay alaab qaataan). Xaaladaha qaar, alaabta laqaadan karo waxay kusoo koobaan diyaaradaha qaarkood hal shay. Boorsada gacanta ama alaabta laqaadan karo waxaa loo ogolyahay hal shay qofkiiba. Boorsooyinka dhaqanka ama laqaadan karo, si lamida waxyaabaha kale sida boorsooyinka laptop-yada, qalabka muusiga, iyo alaabta kale ee lamidka ah, waxaa looga fekeraa inay yihiin hal shay oo gacanta lagu qaato.

IOM waxay xaqiijinaysaa inaad hesho macluumaadka faahfaahsan ee shandadaha laguu ogolyahay inaad qaadato markaad usafrayso Maraykanka kahor intaadan duulin.

Ready to test your knowledge?

Education Settle in app

Download the Settle In App

Get unlimited access to hundreds of lessons designed for all learners

Apple Store icon
Get it on Google Play store
Settle In App

Test your Knowledge

With short videos and interactive lessons, you can learn about a wide range of pre- and post-arrival resettlement topics like traveling to the U.S., housing, and looking for a job.