Waraysiga Baaritaaanka ka horeeeya

Kadib markalaguu gubsiyay ka fiirsashada dib u dejinta Maraykanka, waxaa laguugu yeerayaa inaad marto waraysi baaritaaanka ka horeeya oo lagaaga qaadaayo Xarun Taageerta Dib udajinta, ama RSC da kuugu dhaw. Dawlada maraykanka waxay maalgalisaa ururo aan dawli ahayn si ay uga hawlgalaan RSC yada.

Prescreening Interview

Dooro qaabka aad u baranayso xogta ku qoran boggaan. Waxaad daawan kartaa muuqaal, waxaad soo degsan kartaa xaashida xaqiiqooyinka, ama waxaad dhagaysan kartaa cod. Dookh kasta wuxuu bixinayaa xog iskumid ah.  

Waraysiga Baaritaaanka ka horeeeya

Shaqaalaha Kiiska ee RSC ayaa fiirinaaya dukumiintigaaga aqoonsiga kuuna abuuraaya fayl kiis (iyo qoyskaaga, hadaad isla codsanaysaan). Isaga iyo iyaddu waxa ay ku waydiin doontaa su’aalo muhiim ah oo ku saabsan sida iyo sababta aad ugasoo baxsatay wadankaagii hooyo, wuxuuna dhammaystiri doonaa macluumaadkaaga taariikh nololeedka ee loogu baahanyahay baaritaanada amaanka ee hore. Isaga iyo iyaddu waxa ay ku waydiin doontaa inaad bixiso macluumaadka taariikh nololeedka ee ku saabsan qaar badan oo eheladaada ah xataa hadaysan kula socon. Shaqaale kasocda RSC ayaa kaaqaadaaya sawir inta booqasha ay kugula joogaan.

Kadib waraysigaaga baaritaaanka ka horeeeya, macluumaadkaaga waxaa loo dirayaa wakaaladaha kale ee dawlada Maraykanka si ay uhubiyaan amaanka. Wakaaladahaan waxay baarayaan macluumaadka aad bixisay si loo hubiyo inay yihiin kuwo run ah oo sax ah. Mararka qaar, oggolaanshaha amnigu wuxuu qaadan karaa bilo badan in la dhammaystiro, xaaladaha qaar, ma bixinayso  Dawlada Maraykanka.

Prescreening Interview
Prescreening Interview

Suaalaha Inta Badan La Iswaydiiyo

Usoo qaado warysiga baaritaaanka ka horeeeya wax alaala wixii dukumiinti aqoonsi ah oo aad haysato adiga iyo qoyskaaga kiiska kujiraba. Kaqaxooti ahaan, kuwa badan oo kamid ah dukumiintiyaada gaarka ah ayaa lumi kara ama labaabi’in karaa, taasna waa la fahmi karaa. Shaqaalahaaga kiiska ayaa kuusheegaaya haddii dukumiintiyo kale ay lama huraan tahay. Waa inaad keentaa dukumiintiyada asalka ah ee aad haysato, hadaadan haysan asalka, keen koobiyada.

Usoo qaado warysiga baaritaaanka ka horeeeya wax alaala wixii dukumiinti aqoonsi ah oo aad haysato adiga iyo qoyskaaga kiiska kujiraba. Kaqaxooti ahaan, kuwa badan oo kamid ah dukumiintiyaada gaarka ah ayaa lumi kara ama labaabi’in karaa, taasna waa la fahmi karaa. Shaqaalahaaga kiiska ayaa kuusheegaaya haddii dukumiintiyo kale ay lama huraan tahay. Waa inaad keentaa dukumiintiyada asalka ah ee aad haysato, hadaadan haysan asalka, keen koobiyada:

  • Shahaadooyinka UNHCR ee qaxootiga / Kaarka aqoonsiga ee UNHCR / dukumiintiyada diiwaangalinta ee UNHCR
  • Baasaboorka ama dukumiintiyada safarka (ayna kujiraan dukumiintiyada safarka ee dhacay)
  • Kaarka aqoonsiga wadanka
  • Shahaadooyinka muwaadinnimada 
  • Kararka aqoonsiga kumeelgaarka ah ee ajaanibta 
  • Shahaadooyinka dhalashada
  • Liisannada guurka
  • Dukumiitiyada furitaanka
  • Dukumiintiyada xabsiga
  • Dukumiintiyada korsashada
  • Shahaadooyinka dhimashada, , haddii ay la xidhiidho sheegashada dhibaataynta
  • Dukumiintiyada diinta (gardaadinta, guurka, shahaadada guurka ee kumeel gaarka ah, dhimashada)
  • Dukumiintiyada shaqada, haday qusayso codsigaaga qaxootiga
  • Dukumiintiyada waxbarashada/diploomooyinka
  • Dukumiintiyada muhiimka ah ee caafimaadka (baaritaanada iyo daawooyinka laguu qoray)
  • Foomka caafimaadka oo leh waqtiga aad dhalayso hadaad uur leedahay
  • Waraaqaha hanjabaada
  • Waraaqaha yeerista booliiska/milatariga
  • Dukumiintiyada maxkamada ee wixii danbiyo lagugu eedeeyay ama lagugu xukumay ah, meelkasta oo aduunka ah
  • Daabacadaha saxaafada ee kiiskaaga laxariira (nuqulada wargaysyada, email lada kuquseeya)
  • Buugta militariga iyo dukumiintiga kale sida kaararka aqoonsiga, shahaadooyinka, kacayrinta ciidanka, ama fasaxa ah inaad hub qaadan karto
  • Shahaadada laan qayrta cas (haddii laguu diiwaangeliyay sidii maxbuus dagaal ah)
  • Waraaqaha talooyinka, hadday quseeyaan sheegashadaada
  • Magacyada, ciwaanka iyo taleefan nambarada dadka Maraykanka kuujooga (asxaabtaada iyo eheladaada horay ugu noolaa Maraykanka)

Markaad timaado RSC ama goobta waraysiga, waxaad maraysaa baaritaan amaanka ah (birta wax qabata) waxaana lagaa rabaa inaad katagto dhamaan wixii elektaroonig ah, ayna kujiraan taleefannada, goobta amaanka inta aad kujirto xarunta RSC.

Waxaad mudo dheer sugi kartaa RSC ama waraysiga kahor intaadan galin waraysiga. Shaqaalaha RSC ayaa kuqancinaaya mudadaadan ilaa iyo inta macquulka, laakiin samirkaaga waan kaaga mahad celinaynaa. Haddaad wax suaalo ah qabto ama walaacyo intaad sugayso, fadlan usheeg shaqaalaha RSC ama saraakiisha amaanka ee meesha sugitaanka jooga.

Caruurta waxaa macquul ah inaan marwalba lagasoo tagin. Fadlan usoo qaad cunto fudud caruurtaada, xaafaayado usoo qaad, (haddii loobaahdo), iyo boonbalayaasha ama waxyaabaha kale ee ay isku mashquuliyaan.

Maalinta uu dhacaayo waraysigaaga baaritaaanka ka horeeya, shaqaale kasocda RSC ayaa qaadaya sawirkaaga, jooga iyo misaanka. Shaqaale kasocda USCIS ayaa faro kaqaadaaya codsade kasta oo jira 14 sano iyo wixii kawayn. Tan waxay dhici kartaa maalinta waraysigaaga baaritaaanka ka horeeeya ama maalinta waraysigaaga USCIS.

Waxaa lagaasoo wadayaa meesha sugitaanka waxaana ku gaynaya goobta waraysiga turjumaan ama xubin shaqaalaha RSC. Ogoow turjumaanada waxaa la faray inaysan kaala hadlin wax quseeya kiiskaaga. Fadlan kuhagaaji dhamaan suaalahaaga shaqaalaha kiiskaaga. Dhamaan shaqaalaha kiiska ee RSC waxay xirtaan astaanta RSC si aad si fudud ugu aqoonsato.

Waxaa kuwaraysanaaya midkamida shaqaalaha kiiska ee RSC oo tabaar iyo xirfad uleh hawshaan. Shaqaalaha kiiskaee RSC waxaa looga baahanyahay inuu kuwaydiiyo suaalo badan. Jawaabahaaga waxaa loo gudbinayaa USCIS si ay uqiimeeyaan  inaad uqalanto dib udajin lagaa siiyo Maraykanka. Waan ognahay in suaalahaan qaarkood ay aad u adagtahay inaad kajawaabto. Waxaan kaaga mahad celinaynaa samirkaaga nidaamkan.

Marka aad dhamaysato waraysigaaga uuna kufasaxo shaqalaha kiiskaaga, waad ka bixi kartaa RSC ama goobta waraysiga.

Fadlan filo mudo bilo badan ah oo udhaxayn doona waraysigaaga baaritaaanka ka horeeeya ee u kaaqaaday shaqaalaha kiiskaaga ee RSC iyo waraysiga ay kaaqaadi doonto USCIS. Codsigaaga lama ilaawaayo lamana tuuraayo.

Marka lagaaro xiliga waraysigaaga USCIS, RSC ayaa kuusoo sheegaysa. Waqti xaadirkaan, waa muhiim inaad lasocto RSC wixii quseeya isbadalo kasta oo kudhaca kiiskaaga sida dhalashada cunug, dhimashada xubin kamid ah qoyska, guurka xubin kamid ah qoyska, ama wixii isbadalo ah oo kuyimaada goobta ama macluumaadka lagaala soo xariiraayo.

Ready to test your knowledge?

Education Settle in app

Download the Settle In App

Get unlimited access to hundreds of lessons designed for all learners

Apple Store icon
Get it on Google Play store
Settle In App

Test your Knowledge

With short videos and interactive lessons, you can learn about a wide range of pre- and post-arrival resettlement topics like traveling to the U.S., housing, and looking for a job.