Language:

Waxbarashadda

Maraykanka dhexdiisa, waxbarashadu waxay dyaar utahay dhamaan caruurta, ayadoon laga fiirinayn awoodooda, jinsigooda, da’dooda, asalkooda, diintooda, dareenkooda galmo, ama nooca bulsho ee ay katirsan yihiin. Iskuulada dawlada waa lacag la’aan, waxaana jira sharciyo iyo xeerar quseeya iskuulada dawlada. Iskuulku wuxu qasab kuyahay caruurta jirta da’ gaar ah oo kabilaabanaysa yaraantooda ilaa intay labaatanka kahooseeyaan. Da’da rasmiga ah ee iskuulka qasabka kuyahay waxaa lagu go’aamiyaa sharciga gobalkasta uyaala. Iskuuladu waxay filayaan in waalidku qayb ka ahaado wax barista caruurtooda ayagoo xaqiijinaaya inay iskuulka yimaadaan ayna kacaawiyaan meelo kala duwan. Hoos ka baro wax badan oo ku saabsan Waxbarashada Maraykanka.

Dooro qaabka aad u baranayso xogta ku qoran boggaan. Waxaad daawan kartaa muuqaal, waxaad soo degsan kartaa xaashida xaqiiqooyinka, ama waxaad dhagaysan kartaa cod. Dookh kasta wuxuu bixinayaa xog iskumid ah.  

Iskuulada dawlada waa lacag la’aan, waxaana jira sharciyo iyo xeerar quseeya iskuulada dawlada. Iskuulku wuxu qasab kuyahay caruurta jirta da’ gaar ah oo kabilaabanaysa yaraantooda ilaa intay labaatanka kahooseeyaan. Da’da rasmiga ah ee iskuulka qasabka kuyahay waxaa lagu go’aamiyaa sharciga gobalkasta uyaala. Iskuuladu waxay filayaan in waalidku qayb ka ahaado wax barista caruurtooda ayagoo xaqiijinaaya inay iskuulka yimaadaan ayna kacaawiyaan meelo kala duwan.

CORE_Education Levels_v3
20210211_JMcBride_Boise_02

Dadka waawayn

Ameerikaanku waxay aaminsanyihiin in uusan qofku kawaynaan kana yaraan inuu wax cusub barto. Waxaa jira fursado waxbarasho oo badan ayna helikaraan dadka waawayn iyo dadka yaryar ee qaan gaarka ah, laakiin qaxootiyadu waa inay kala doortaan xarashka iyo madaxa kudhaxeeya inay shaqeeyaan iyo inay waxbartaan. Waxbarashadu waxay kuusahlaysaa inaad mustaqbalka shaqo lacag badan hesho, laakiin qaxootiyadu waxay ubaahan yihiin inay ila markaba shaqeeyaan si ay utaageeraan naftooda iyo tan qoyskooda, waxbarashada dadka waawayn ee Maraykankana waxay noqon kartaa mid qaali ah. Dad badan oo qaxooti ah, dookhooda ugu wanaagsan waa inay shaqeeyaan maalinta oo dhan iskuulkana dhigtaa saacado kooban.

Deegaanada inta badan waxay leeyihiin waxbarasho noocyo kala duwan oo loogu talagalay ddka waawayn ayna kujiraan:

  • Casharada luuqada Ingiriisiga iyo aqoonta
  • Koorsooyin tababareed sida kumbuyuutarka, luuqadaha shisheeye, iyo xirfadaha xoghaynta.
  • Casharada shahaadada Hormarka Aqoonta Guud (GED) ee loogu talagalay dadka waawayn kuwaasoo aan lahayn shahaadada dugsiga sare
  • Iskuulada fasaxyada iyo farsamada
  • Kuleejyada bulshada (caadiyan barnaamijyo 2 sano ah)
  • Kuleejyada ama jaamacadaha (caadiyan barnaamijyo 4 sano ah)
  • Iskuulada waxbarashada sare ee bixiya shahaadooyinka labaad ee jaamacada ee maadooyin kaladuwan ah.

Qiimaha fasladaan, iskuuladaan, iyo kuleejyadaan aad ayay ukala duwan yihiin. Iskuulada inta badan iyo kuleejyadu waxay bixiyaan adeegyo dhaqaale ayna siiyaan ardayda ubaahan.

Fahanka Dhaqanka

Iskuulada Maraykanku waxay inta badan leeyihiin deegaan laqabsi fiican oo isdhexgalka kuwacan, marka loo fiirsho casharada iyo qaababka wax loobaro wadamada kale. Waxaa sidoo kale qiima badan lasiiyaa fikirka dhabta ah iyo dadaalka qofka. Wada shaqayntu waa muhiim, laakiin ardayda waxaa inta badan lagu qiimeeyaa guulaha ay keenaan.

Waxaa jira qaabab badan oo waalidku kucaawin karan kuna taageeri karaan caruurtooda xataa hadaysan sifiican ugu hadli karin Ingiriisiga. Halkaan waxaad kahelaysaa qababka qaar ay waalidiinta qaxootiga ah uga qayb qaadan karaan axbarida caruurtooda:

  • Baar in iskuulku bixiyo dalxiis ay caruurtu aadaan ama casharada xiliga xagaaga kahor intaan iskuulka lafurin.
  • Waydii cunugaaga waxuu kasoo bartay iskuulka maalintaas.
  • Waydii cunugaaga waxa loosoo siiyay shaqo guri ama fiiri buugooda layliga ama boorsadooda shaqada guriga.
  • Kaqabgal casharada ESL, hadii laga bixiyo, iskkulka cunugaaga.
  • Kaqayb gal kulanka macalimiinta iyo waalidka.
  • Kacaawi nashaadaadka kabaxsan manhajka sida kooxda ciyaraha ee iskuuka ama kooxta farx=shaxanka.
  • Tabarucaad kasamee fasalka cunugaaga.
  • Ukaxee cunugaaga baska ama iskuulka.
  • Kala shaqee cunugaaga shaqa gurigiisa.
CORE_Education Levels_v4

Caruurta iyo Dhalin yarada

Iskuulada dawlada waxaa laga helaa wadankoo dhan ayagoo lacag la’aan ah. Sida uu sharcigu qabo, iskuulada dawlada wax shuqul ah kuma lahan diimaha. Iskuulada gaarka loo leeyahay ayaa sidoo kale laga helaa inta badan meelaha, qaarkoodna waa kuwo diimeed.

Iskuulada gaarka looleeyahay waxay ardayda kaqaadaan lacag, taasoo noqon karta mid qaali ah.

Waxaa jira afar darajo oo waxbarasho. Caruurta isku fasalka ah da’dooda way kala duwanaan kartaa, inkastoo inta badan ardayda ay 1 ilaa 2 sano ay kala wayn yihiin. Iskkulada dawlada, wiilasha iyo gabdhaha way isla dhigtaan fasalada.

Iskuulka kahor. Heerkaan waxaa dhigta caruurta 3 ilaa 5 sano jirka ah. Sharcigu maqasbaayo.

Dugsiga hoose. Heerkaan wuxuu kabilowdaa Kindergarten (da’da 5) wuxuuna si socdaa ilaa fasalka shanad ama lixaad (da’da 12).

Dugsiga dhexe. Heerkaan waxaa kujira laga bilaabo fasalka lixaad ama todobaad ilaa fasalka sideedaad ama sagaalaad, ee caruurta da’doodu tahay 12 ilaa 14.

Dugsiga sare. Heerkaan waxaa kujira inta badan laga bilaabo fasalka sagaalaad ama tobnaad ilaa fasalka toban iyo labaad, waxaa dhigta caruurta da’doodu tahay 14 ilaa 18. Ardayda uuxiya shuruudaha iskuulka waxay helaan shahaadada dugsiga sare.

Ardayda haysata shahaadooyinka dugsiyada sare iyo darajooyin aqooneed oo saraysa waxay waxbarashadooda kasii wataan kuleejka ama jaamacada, laakiin waxbarashada jaamaca maaha bilaash. Tababarada dugsiga sare kadib ayaa sidoo kale laheli karaa wayna karaqiisan yihiin kuleejyada iyo jaamacadaha.

Yassin and Annalena in their classroom. Yassin is playing an educational game on the tablet computer. Annalena is one of the teachers. They are both from the green group and participants in “Huckepack”. The aim of “Huckepack” (translated as “piggyback”) is to actively support newly immigrated children socially, emotionally and linguistically with the transition to secondary school through a summer vacation program, based on IRC's educational “Healing Classrooms” concept. Bockmühle comprehensive school, Essen, Germany.

Mowduucyada xidhiidhka leh

#

Diyaar ma u tahay inaad tijaabiso aqoontaada?

Wax ku baro mashquulka

App-ka Settle in waa saaxiib waxtar leh oo ku caawinayo inta aad kujirto safarkaaga dib u dejinta ee Mareykanka. Wax ka baro nolosha Maraykanka oo ku dhis xirfadahaaga su’aalo xiiso leh iyo casharro.

Qaabab badan oo wax lagu barto

Iyadoo ay jiraan casharro is-dhexgal ah iyo muuqaalo,markasta waxaa jira wax cusub oo la ogaan karo. Settle In waxay ka dhigtaa mid xiiso leh in la barato wax ku saabsan dib u dajinta gudaha Maraykanka. Wax ku baro xawaarahaaga – waxaan halkaan u joognaa inaan wadada kugu hagno adiga.

SettleIn Logo
Learn on the go
Macluumaadka kujira websitekaan waxaa abuuray Adeegyada Isdhaafsiga Jihaynta Dhaqanka (CORE), waxaa iska leh bulshada dibna waa loosoo daabacan karaa. Mawduucyada kujira webseetka waxaa lagu abuuray heshiis ay maalgalisay Laanta Dad waynaha, Qaxootiyada, iyo Socdaalka, Waaxda Gobalada ee Maraykanka, laakiin muhiim maaha inay matasho siyaasada wakaaladaas dawlada Federalkuna ma dhiiri galinayso.