Wax ku saabsan Settle in

Kusoo dhawow Settle In Settle In waa meesha ugu fiican ee aad ka heli karto macluumaad la aamini karo oona sax ah oo ku saabsan dib u dajinta wadanka Maraykanka.

Cultural Orientation class

Dulmar guud

Goobaha dhijitaalka ah ee Settle In waxaa lagu heli karaa luqado badan waxayna bixiyaan muuqaalo, tabino, iyo agabyo kale oo ku saabsan mowduucyo kala duwan oo ku saabsan nolosha Mareykanka. 

Bogga Website-ka Settle in

Shabakadda Settle In waxay leedahay boqollaal agab oo ay ku jiraan muuqaallo, tabino, iyo xaashiyaha xaqiiqada. Mawduucyada waxaa ka mid ah hagaajinta dhaqanka, shaqada, guriyeynta, sharciyada Mareykanka, iyo wax kaloo badan. Waxaa lagu heli karaa luuqadaha: Carabi, Burma, Dari, Ingiriis, Farsi, Kinyarwanda, Pashto, Ruush, Soomaali, Isbaanish, Swahili, iyo Yukreeniyaan. 

App-ka Settle in

App-ka Settle In wuxuu leeyahay muuqaalo gaagaaban, casharro is dhexgal ah, iyo calaamado loogu talagalay in lagu abaalmariyo oona lagula socdo horumarka waxbarashada. Ka soo dajiso Apple store ama Google Play. Waxaa lagu heli karaa luuqadaha: Carabi, Burma, Dari, Ingiriis, Kinyarwanda, Pashto, Ruush, Isbaanish, iyo Sawaaxili. 

Apple Store icon
Bogga Settle in ee Facebook-ga

Iyada oo loo marayo bogga Settle In ee Facebook -ga isticmaalayaashu waxay heli karaan macluumaad cusub oo dhamaystiran, waxayna soo diri karaan fariimo toos ah waxayna ku heli karaan su’aalahooda taageerada luuqadda ay rabaan, waxayna ka qaybgali karaan munaasabadaha tooska ah. Waxaa lagu heli karaa luuqadaha: Dari, Pashto, Ruush, iyo Yukreeniyaan. 

Naga caawi hormarinta Settle in

Ma doonaysaa inaad gacan ka geysato sidii aad si ka wanaagsan ugu hormarin lahayd Settle In? Samee sahankeena Jawaab celintaadu waxay naga caawin doontaa inay u horumariso Settle In dadka kale ee dib u dajinta ka hela Maraykanka.  

About Settle In

Khayraadka la xidhiidha