Maaraynta Lacagta

Qiimaha nolosha Maraykanka way kala duwan tahay meelba meesha kale, laakiin meelo badan aad ayay qaali utahay. Tani waa sababta inaad si dhakhso ah uraadiso shaqo ay aad muhimka ugu tahay. Waa inaad dhaqalaysataa lacagtaada, markaas kuma kharash garanaysid wax ka badan waxa aad awoodi karto. Hoos ka baro wax badan oo ku saabsan Maamulka Lacagta ee Maraykanka.

Money Management

 

 

Maaraynta Qarashaadka Shaqsiga ah

Waxaad masuul katahay maaraynta qarashaadkaaga gaaka ah. Sifo aad uga hortagi karto inaadan wax abadan aad u kharash garayn waa inaad samaysataa miisaaniyad. Barashada sida loo sameeyo miisaaniyad waa xirfad aad muhiim u ah. Si aad usamaysato miisaaniyad, waa muhiim inaad taqaano qarashkaaga bishii iyo lacagta aad isticmaasho, sida kirada, qalabka cuntada, iyo adeegyada suuqa. Wixii ah ujeedooyinka miisaaniyada, waa inaad kala barataa waxa qoyskaagu rabo oo ku lid ah waxa qoyskaagu baahida uqabo. Waxyaabah dadku ay rabaan qaarkood waxay noqon karaan kuwo qaali ah oo aan muhiim ahayn, waxayna kuseejin karaan waxyaabah qoyskaagu ubaahan yahay. Shaqaalaha wakaaladaada dib udajinta ayaa kaa caawinaaya inaad miisaaniyad samaysato.

Money Management
Money Management

Waa inaad fahanto sida lacag loogu shubo koontada bangiga, iyo sidoo loogala baxo adoo isticmaalaaya Mashiinada si Automatic-ga Wax usheegta (ATM), ama adoo qoraaya jeeg. Markaad bangiga joogtid, waxaad lacagtaada gashan kartaa koonto jeeg leh ama koontada wax lagu kaydsado ama labadaba. Koontooyinka jeegga waxay kufiican yihiin markaad doonayso inaad lacagta gashato kalana soo baxdo si joogta ah adoo isticmaalaaya kaararka ATM. Kontooyinka kaydinta waxaa loo isticmaalaa in lagu kaydiyo lacagta aadan mudo ubaahanayn. Marka koobaad, waxaad kaliya ubaahantahay koontada jeega. Hadhoow, markaad awood uyeelato inaad kayd yeelato, waxaad yeelankartaa koontada kaydinta iyo mida jeegga labadaba.

Markaad isticmaasho qorshsha daynta ama kaarka daynta, waxaad daynsanaysaa lacag waxaana lagu dulsaarayaa dulsaar lacagta aad daynsato. Taariikh wanaagsan oo dhanka dayn bixinta ah, lacagta bixi bil kasta wakhti buure ah. Bixinta bilaha ah ee daynta safarkaaga waa fursadaada koobaad ee aad kudhisi karto taarikh dayn bixin oo wanaagsan Maraykanka dhexdiisa.

 

Lacag Kushubashada Tooska ah

Qaar badan oo dadka loo shaqeeyo kamid ah ayaa bixya ama doonaaya inay shaqaalahooda mushaarka ugu shubaan koontadooda bangiga. Kushubida tooska ah, mushaarkaaga waxaa toos loogu dirayaa koontada bangigaaga intii adiga lagu siin lahaa ayadoo jeeg ah. Waxaa jira faa’iidooyin dhowr ah oo ay leedahay kushubida tooska ah. Jeeggaaga  madhumi karo, qofna maxadi karo lacagna kulama bixi karo saxiix foojari ah. Sidoo kale, waxaad helaysaa mushaarkaaga xataa haddaadan joogin shaqada maalinta mushaarka labixinaayay, umana baahnid inaad bangiga aado si aad jeegaaga ugasoo shubato. Ugu danbayntii, markaas isticmaasho kushubashada tooska ah, lacagta waxay kuugu jirtaa koontadaada waadna isticmaali kartaa markaba. Hahdaad jeegga adigu kasoo kushabatay, waxay qaadan kartaa maalin ama labo in lacagta diyaar kunoqoto koontadaada.

Money Management

Nidaamka isticmaalka Bangiga

Meesha ugu amaansan Mraykanka ee lacag lagu kaydsado waa bangida oo federaal ahaan loo maamulo oo loo caymiyo. Waxaa jira noocyo badan oo bangi ah. Wakaalada dib udajinta ayaa awood uleh inay kaacaawiso bangiga kuugu haboon adiga. Hadaad arimo diimeed ama dhaqan aad ka aaminsantahay lacagta (tusaale, hadaad aaminsantahay in ay khalad tahay in aad bixiso ama qaadato dulsaar), waxaad helikartaa bangi kudhaqma waxyaabaha aad aaminsan tahay.

Diyaar ma u tahay inaad tijaabiso aqoontaada?

Wax ku baro mashquulka

App-ka Settle in waa saaxiib waxtar leh oo ku caawinayo inta aad kujirto safarkaaga dib u dejinta ee Mareykanka. Wax ka baro nolosha Maraykanka oo ku dhis xirfadahaaga su’aalo xiiso leh iyo casharro.

Qaabab badan oo wax lagu barto

Iyadoo ay jiraan casharro is-dhexgal ah iyo muuqaalo,markasta waxaa jira wax cusub oo la ogaan karo. Settle In waxay ka dhigtaa mid xiiso leh in la barato wax ku saabsan dib u dajinta gudaha Maraykanka. Wax ku baro xawaarahaaga – waxaan halkaan u joognaa inaan wadada kugu hagno adiga.