Ogeysiinta Xeerka Arimaha gaarka ah

OGEYSIINTA ARIMAHA GAARKA

Ixtiraamayo arimahaaga gaarka ah

Webseetkaan waxaa iska leh oo maamulo Guddiga Samatabixinta Caalamiga ah (‘IRC’). Waan aqoonsannahay in dadka barteena soobooqanaaya ay ka walaacsanaan karaan warbixinta ay nagu siiyeen, onleenka ama qaabka kale, iyo sida aan ula dhaqanno warbixintaas. Xeerkaan Arimaha gaarka ah wuxuu kahadlayaa walaacyadaas.

IRC way ixtiraamtaa arimaha gaarka ah ee dhammaan dadka booqanaaya webseetkeena. Dhammaan warbixinta la xiriirto dadka bogga booqanaaya, oo ay ku jiraan magacyadooda, ciwaanada iyo lambarada taleefonka, waxaa si qarsoodi adag ah u xifdinaaya IRC, shaqaalaheeda iyo tabarucayaasha, illaa ogolaansho laga helo maahee deeq bixiyayaasha taasoo lagu siidaayo warbixin noocaas ah. IRC ma iibineyso, ma kireyneyso ama kama ganacsaneyso magacyada deeq bixiyayaasheena, ciwaanada boostada, ciwaanada i-meelka ama lambarada taleefonka ee shirkadaha kale.  Haddii aad qabtid su’aalo ku saabsan xeerka arimaheena gaarka ah, waxaa nagala soo xiriiri kartaa COResourceExchange@Rescue.org.

Warbixinta ay aruuriyeen IRC

Webseetkeena ma aruurino warbixinta shaqsiga aqoonsan karto ee ka timid shaqsiyaadka illaa aynagu siiyaan si iqtiyaar ah oo ay ogyihiin. Tani waxay la micna tahay inaan kaaga baahneyn inaad iska diiwaangeliso ama aad na siisid warbixin si aad u eegno bogeena. IRC waxaa kaliya oo ay isukeentaa warbixinta shaqsiga ee la aqoonsan karo, sida magacyada, ciwaanada, fuarayaasha nambarka zipka/boostada, ciwaanada i-meelka, iwm., kaliya markii uu si iqtiyaari ah ugudbiyo qofka bogga booqanaaya. Hadeer, ma lihin qaab oo aad si iqtiyaar ah u gudbin kartid warbixintaan.  Haddii mustaqbalka, qofka bogga boonaaya ay u suurtogashay in si iqtiyaar ah u gudbiyo warbixintaan, warbixintaan waxaa loo heli karaa IRC iyo bixiyayaasha adeega kale ee ku lugleh howlgalka boggaan. IRC waxay u baahantahay in dhammaan adeeg bixiyayaasha xisbiga sadexaad ku hayaan warbixinta shaqsiga qarsoodi toos ah. Iyada oo aan laheyn ama xukumin shirkadahaan, waxaan aaminsannahay inaad daacad tahay oo aan ula dhaqmeyno si masuuliyad kujirto warbixintaada shaqsiga.

Sida boggaga kale ee intarneetka, adeegaha boggeena wuxuu si toos ah u aqoonsadaa magaca qeybta ee qofkasta oo booqda bogga, laakin ma ahan ciwaanka i-meelka. Ciwaanka IP-gaan wuxuu noo sheegayaa qeybta aad ka booqatay (tusaale ahaan, gmail.com, aol.com, iwm.). Waxaan isticmaalnaa warbixinta aan ka duubnay si aan ugu caawino baaritaanka dhibaatooyinka ee kumbuyuutarkeena, iyo si sare loogu qaado tusmada webseetkeena. Warbixinta lalama wadaago hay’adaha kale oo ujeedooyinka ganacsiga ah.

Xeerka Ka laabashada

Haddii aad nasiisid ciwaankaaga boostada, ciwaanka i-meelka ama lambarka taleefonka, waxaad heli kartaa isgaarsiin waqtiyeysan ee inaga naga timid oo ay la jiraan warbixinta barnaamijyadeena iyo adeegyada. Haddii aadan rabin inaan boosto laguugusoo dirin, i-meel ama wacitaanada taleefonka mustaqbalka, fadlan nagu soo ogeysii adiga oo ku soo dirayo codsigaaga dhinaca i-meelka COResourceExchange@Rescue.org.

Ka dhaafida xeerka ka laabashada

IRC waxay u siin deyn kartaa warbixinta shaqsiga haddii sharciga ama maamulka sharciga ku qasbay.  Intaa waxaa dheer, waxaan u baahan karnaa inaan u siideyno warbixinta shaqsiga dacwadaha gaarka ah markii aan haysano sababta loo aaminsanyahay in siideynaan warbixintaan ay muhiim u tahay aqoonsiga, la xiriir ama la imaw tallaabo sharci ee ka soo horjeedo qofka laga yaabo inuu sababayo dhaawac ama faragelinayo (midkood si ula kac ah ama aan ula kac aheyn) oo ay la jiraan xaquuqda ama dhismaha IRC, taageerayaasha IRC, ama qof walba ay waxyeeli karaan howlaha.

Sidaan u isticmaalno “cookies”

Booqdayaasha waa inay ogaadaan in warbixinta aan shaqsiga aheyn iyo xogta si toos ah ay u qaadaan webseetka IRC oo dhinaca isticmaalka “cookies.”  Cookies waa feelal qoraal yar ee webssaydka isticmaali karo inuu aqoonsado boooqdaha soo laabto, fududeeyaa gelitaanka socda ee booqdayaasha iyo isticmaalka bogga, oo u ogolaado bogga inuu dabagalo dabeecada isticmaalka oo isu geeya xogta wadarta guud ee fududeyneyso hormarinada tusmada.

Cookies ma ahan barnaamijyo soo galaa nidaamka booqdaha oo waxyeeleeyo feelasha. Guud ahaan, cookies waxay ku shaqeeyaan u xilsaarida booqdaha lambarka gaar ah oo aan laheyn micno ee ka baxsan bogga u xilsaarayo. Haddii booqdaha uusan rabin in warbixinta laga qaado dhinaca isticmaalka cookies, waxaa jiro nidaam sahlan ee inta badan raadiyayaasha ee u ogolaada booqdaha inuu diido ama ogolaado muuqaalka cookie. Wixii warbixin dheeraad ah ee ku saabsan sida loo damiyo cookies, tixraac qeybta “help” ama “customer support” ee barnaamijka raadiyahaaga gaarka ah. IRC waxay u isticmaashaa cilmiga farsamada cookie kaliya si ay u hesho warbixinta aan shaqsiga aheyn ee ka imaaneyso booqdayaasha onleenka si markaas sare loogu qaado waaya aragnimada onleenka booqdaha oo ugu fududeeyo booqashadooda ee gudaha boggeena.

Warbixinta Shaqsiga

Xeerka Illaalada Xogta Guud (‘GDPR’) waa sharciga Midowga Yurub ee la xiriiro isticmaalida iyo ka baarandaga warbixinta shaqsiga. GDPR waxay bilaabaneysaa Maajo 25, 2018. Waxaa naga go’an inaan uga baarandagno warbixintaada sida u hogaansan GDPR, sida ay quseyso.

Waxaan isticmaaleynaa dadaalo macquul ah ee si badbaado ah looga baarandago dhammaan warbixinta shaqsiga ee quseeya xaquuqaha lagu qeexay sida waafaqsan GDPR, ee gaar ahaan kuwa la xiriiro codsiyada xigga:

  • Gelitaanka warbixintaada gaarka ah;
  • Saxida warbixinta shaqsiga ee aan hayno;
  • Tirida warbixintaada shaqsiga ah;
  • Xadeynta ka baarandaga warbixintaada shaqsiga;
  • Ku wareejinta warbixintaada shaqsiga xisbi kale; ama

Diidmada looga baarandagayo warbixintaada shaqsiga sida ku saleysan danaha sharciga IRC (ama kuwa xisbiga sadexaad) si loo isticmaalo oo waxaa jiro wax ku saabsan xaaladaada gaarka ah ee kugu sababay inaad diidid ka baarandag sidaas ah.

Waan hayneynaa warbixintaada oo u isticmaaleynaa sida lagu qeexay Xeerkaan Arimaha gaarka ah. Waxaan tixgelinay in IRC leedahay xiiso sharci ah ee aruurinta iyo ka baarandagida warbixintaada. IRC waxay ka jawaabtaa dhibaatooyinka bani’aadamnimada ugu daran ee caalamka oo ay caawisaa dadka nololahooda ay saameysay dagaalada iyo masiibooyinka si ay u badbaadaan, uga soo kabsadaan, uga faa’idaan xakameynta mustaqbalkooda iyo dabagelida ujeedooyinkaan ma ahan qilaafka xaquuqdaada. Tani waxay si ku saleysan sharcigeena in la isticmaalo warbixintaada shaqsiga, ee gudaha xadeynada halkaas lagu dajiyay.

Webseetkaan waxaa lagu daabacay Mareykanka oo wuxuu quseeyaa sharciyada Mareykanka. Gaar ahaan, sharciyada Gobolka New York ayaa maamulayo Xeerkaan Arimaha gaarka ah ee aan laga eegin goobtaada. Waxaad halkaan si cad u ogolaaneysaa sharciga maxkamada gaarka ah iyo meesha faderaalka iyo maxkamadaha gobolka ee ku yaalo New York, New York, oo dhammaan arimaha ama qilaafyada ka imaanayo ama laxiriiro Xeerkaan Arimaha gaarka ama gelitaankaaga ama isticmaalka webseetka.

Haddii aad ku taalid wadan ka baxsan Mareykankla iyo si iqtiytaar ah noogu soo gudbisid warbixinta shaqsiga, waxaad halkaas ku ogolaatay isticmaalka guud ee warbixin noocaas ah sida lagu sheegay Xeerkaanka Arimaha gaarka ah iyo wareejinta warbixintaas, iyo/ama keydka warbixintaas ee, Mareykanka. IRC masuul kama noqoneyso sida waafaqsan xaalado walba ee waxyeelada sababayo isticmaalka warbixinta ee laga aruuriyay booqdayaasha webseetkaan. Waxaan ogaanay inaadan wax waajib ah kuma ahan inaad u siideysid warbixin walboo shaqsiga IRC haddii aadan rabin.

Ciwaanada boggaga xisbiga sadexaad

Si markaas loo siiyo adeegyo gaar ah iyo qoraalada, webseetkeena wuxuu kuu ogolaan karaa inaad ku dul “riixdid” webseet kale. Xeerkaan Arimaha gaarka ah wuxuu kaliya uu quseeyaa Rescue.org.  Xeerkaan Arimaha gaarka ma quseeyo boggaga xisbi walbo sadexaad. IRC masuul kama ahan dhaqamada arimaha gaarka ama tusmada webseetyada kale, xittaa haddii magaceena iyo loogadeena ka muuqato shaashada.  Waxaan kugula talineynaa inaad eegtid xeerarka arimaha gaarka ee boggaga xisbiga sadexaad ka hor inta aadan isticmaalin adeegyo walba ama barnaamijyada ay bixiyaan.

Arimaha gaarka carruurta

IRC waxay aaminsantahay qiyaaso walba ee taxadarka ah in la qaado si looga illaaliyo carruurta onleenka oo isaga oo garanayo weydiin carruurta da’da 13 iyo ka hooseeyo warbixin walba. Booqdayaasha 13 iyo ka hooseeyo waa inay weydiiyaan waaladiintooda ama masuulka sharciga caawin marka ay isticmaalayaan Rescue.org iyo waa inaysan u gudbin wax warbixinta shaqsiga aqoonsan karto IRC.

Isbadelada Xeerkaan Arimaha gaarka ah

IRC waxay dib u soo celin kartaa Xeerka Arimaha gaarka ah waqti ku waqti iyada oo aan jirin ogeysiin hore. Sida waafaqsan, waxaan ku talineynaa inaad hubisid aqbaaraha Xeerkaan Arimaha gaarka ee sida socota ku saleysan. Isbadelada waxaa lagu sameeyay markii ugu dambeysay Xeerkaan Arimaha gaarka ee Maajo 21, 2018.

Haddii aad qabtid wax su’aalo ah ee ku saabsan Xeerkaan Arimaha gaarka, fadlan la xiriir COResourceExchange@Rescue.org.

Adiga oo isticmaalayo webseetka IRC, aad calaameysid heshiiskaaga ee Xeerkaan Arimaha gaarka. Waxaa intaas dheer, isticmaalkaaga joogtada ah ee webseetkeena ee xigga dhigida isbadelada ee Xeerkaanka Arimaha gaarka waxay kuula micna yeelaneysaa inaad ogolaatid isbadeladaas.

Si kastaba, wax waajib ah kuguma ahan inaad u siideysid warbixin walboo shaqsiga IRC haddii aadan rabin. Haddii aadan ku qanacsaneyn isticmaalada IRC ee warbixintaada shaqsiga, waxaad marwalba dooran kartaa inaad ka baxdid ama aad go’aansatid inaadan isticmaalin adeegyada webseetyadaas ama muuqaalada u baahan warbixintaada shaqsiga.

Tusmooyinka webseetka waxaa lagu hormariyay sida waafaqsan heshiiska ee Xafiiska Dadka, Qaxootiyada iyo Socdaalka, Waaxda Mareykanka ee Gobolka, laakin si muhiim ah uma matasho xeerka hay’adaas oo waa inaysan qiyaasin qirashada ee Dowlada Faderaalka.