Adeegyada Bulshada

Adeegyada bulshada waa adeegyada, caawimaada, alaabta, iyo khayraadka loogu talagalay gudaha bulshooyinkooda.. Adeegyadaan waxay noqonkaraan kuwo bilaash ah ama aad raqiis u ah ayna bixiso dawladu, ururada bulshadu saldhig u tahay, ama urur diimeed. Hoos ka baro wax badan oo ku saabsan Adeegyada Bulshada ee Maraykanka. 

Community Services

Dooro qaabka aad u baranayso xogta ku qoran boggaan. Waxaad daawan kartaa muuqaal, waxaad soo degsan kartaa xaashida xaqiiqooyinka, ama waxaad dhagaysan kartaa cod. Dookh kasta wuxuu bixinayaa xog iskumid ah.  

Caawimaada Dawlada

Wakaaladaha adeeg bulshada ee dawlada waxay adeegyo siiyaan dadka bulshada kudhex nool. Waxay caawiyaan dadka qaba baahiyaha gaarka ah, sida qoysaska dakhligoodu hooseeyo, dadka aan guryaha lahayn, iyo dadka naafada ah. Barnaamijyada dawlada waxay leeyihiin waqtiyo xadidan oo adag oo looqorsheeyay iyo tilmaamo looga qayb qaato.

Halkaan waxaad kahelaysaa qaar kamid barnaamijyada dawlada ee taageera qaxootiyada:

Barnamijyada Caawimaada Lacagta caddaanka ah

Dadka ay ku adkaato helista shaqo, labo barnaamij ayaa siiya caawimaad dhaqaale oo kumeel gaar ah: Caawimaada Kumeelgaarka ah ee Qoysaska baahan (TANF) ee waalidka haysta caruurta iyo Caawimaada lacagta caddaankaee Qaxootiga (RCA) ee xaqootiyada isqaba ama aan guursan ee aan lahayn caruurta.

Barnaamijka Caawimaada Cuntada (SNAP)

Barnaamijkaan wxuu caawiyaa dadka dakhligoodu hooseeyo ee kunool Maraykanka si ay ugataan cunto. Qofka barnaamijkaan kujira waxaa lasiinayaa kaar uu kugadan karo cadad kooban oo cuntooyin ah bilkastta. Qaxootiyadu waxay caawimaad cunto kacodsan karaan xafiiska dawlada hoose. Cadadka caawimaadu way kala duwan tahay gobalkasta waxayna kuxiran tahay tirada iyo dhaqaalaha qoyska.

Dakhliga Sugida Kaabbida ah (SSI)

Kani waa barnaamij caawimaada lacagta caddanka oo federalku bixiyo kaasoo lasiiyo dadka naafada ah ama kawayn da’da 65 hasyana qarashka aadka uyar ama aanba haysan.

Barnaamijyada Caawimaada Daryeelka Caruurta

Bulshooyinka qaar waxay bixiyaan daryeelka caruurta oo bilaash ama raqiis ah ayna siiyaan dadka dakhligoodu hooseeyo si ay ushaqaystaan ama shaqo uraadsadaan.

Adeegyada dadwaynaha

Deegaan walba wuxuu leeyahay adeegyo dadwayne oo lasiiyo qof walba. 

Community Services in the United States
Community Services

Caawimaada Dawlada

Halkaan waxaad kahelaysaa dhawr kamida adeegyada ugu badan ee labxiyo:

Beeraha iyo Raaxaysiga

Beeraha deegaanka waxay leeyihiin meelaha tamashlaha, garoonada lag ciyaaro, iyo meelaha isboortiga ee dad waynaha.  Beero badan waxay leeyihiin shuruuc kusaabsan nooca dadka ee soogali kara ama aan soogali karin, inta badan beeraha deegaanka waa bilaash,  laakiin beeraha gobalka ama federalku waxay kaaqaadi karaan lacag lagu galo.

Caawimaada Haayadaha aan Dawliga ahayn

Ururada qaar oo bixiya adeegga waxay kushaqeeyaan sadaqaad ay kahelaan muwaadiniin gaar ah ama iskudarka deeqaha iyo qarashaadka ay kahelaan dawlada. Waxay leeyihiin gudiyo iskuduwayaal ah kuwaasoo kormeera shaqadooda waana inay keenaan warbixnada sanadlaha ah ee shaqooyinkooda, laakiin gaar ayay ka yihiin dawlada.

Ururada noocaan ah waxay si guud hoos yimaadaan mid kamid sadexdaan qaybood ee soosocta:

Ururada Qaran ee Aan dawliga ahayn (NGOs)

NGO yada qaran waxay adeegyo kabixiyaan meelo kala duwan oo wadanka kamid ah, kuwaasoo caadi ahaanay diyaariyaan xafiisyada xarumahooda kuyaala magaalo wayn. Qaarkood waxay bixin karaan adeegyada caawinta qaxootiyada. Tirada, qiimaha, iyo nooca adeegyadaan way kaladuwan yihiin meelaha kaladuwan, laakiin kuwo badan waxay bixiyaan adeegyada soosocda:

  • Talosiin
  • Caawimaad heerka soogalooti
  • Casharo Luuqada Ingiriisiga ah
  • Adeegyada shaqada
  • Adeegyada fasarida iyo turjumida

Ururada Bushada Ushaqeeya (CBOs)

Ururadaan waxay kashaqeeyaan bulshooyinka maxaliga ah waxay bixiyaan adeegyada nasashada, bulshada, iyo waxbarashada oo ay siiyaan xubnaha bulshada. Hal nooc oo kamida CBO oo aad kaheli karto deegaankaaga waa ururada arimaha isirka ee bulshada laxariira (ECBO). ECBO yada waxaa aasaasay qaxootiyaal iyo soogalotiyaal hore waxayna caawiyaan dadka cusub ee qowmiyadooda katirsan. Qaarkood waxay bixiyaan casharada dadka waawayn, waxay abaabulaan ururada haweenka, waxayna qabtaan qabtaan dhacdooyinka dhaqan iyo raaxaysiga ah.

Ururada Diimaha (FBOs)

FBO yada waxaa kamida kaniisadaha, masaajida, macbadyada yahuuda, iyo meelaha kale ee cibaadada kuwaasoo ujeedadoodu tahay in ay kudhaqmaan caqiidadooda. Si kastaba ha ahaatee, waxaa sidoo kale jira FBO yo badan, kuwaasoo lcago kahela ama kuxiran ururo diimeedyo kaladuwan, laakiin hiigsigoodu yahay inay caawiyaan dadka baahan iyo qoysaska faqiirka ah ayadoon lafiirinayn diintooda.

Qaarkood waxay bixiyaan casharo luuqada Ingiriisiga ah oo lasiiyo dadka waawayn qaarkoodna waxay dadka uqaybiyaan maryaha huudheeyda ah iyo kuraasta ee dadka kale soo isticmaaleen.

Diyaar ma u tahay inaad tijaabiso aqoontaada?

Wax ku baro mashquulka

App-ka Settle in waa saaxiib waxtar leh oo ku caawinayo inta aad kujirto safarkaaga dib u dejinta ee Mareykanka. Wax ka baro nolosha Maraykanka oo ku dhis xirfadahaaga su’aalo xiiso leh iyo casharro.

Qaabab badan oo wax lagu barto

Iyadoo ay jiraan casharro is-dhexgal ah iyo muuqaalo,markasta waxaa jira wax cusub oo la ogaan karo. Settle In waxay ka dhigtaa mid xiiso leh in la barato wax ku saabsan dib u dajinta gudaha Maraykanka. Wax ku baro xawaarahaaga – waxaan halkaan u joognaa inaan wadada kugu hagno adiga.