Barashada Ingiriisiga
Barashada Ingiriisiga waxay muhiim utahay la qabsiga guusha leh inaad kusii noolaato Marakanka dadka waawayn iyo caruurtaba. Barashada Ingiriisigu waxay kaacaawinaysaa inaad waxkaqabato baahiyahaaga, aadna shaqo hesho, aad shaqada guul kagaarto, aad isfahantaan dadkale ee Ameerikaanka ah, aadna si dhakhso leh ula qabsato noloshaada cusub ee Maraykanka. Hoos ka baro wax badan oo ku saabsan Barashada Ingiriisiga ee Maraykanka.
Barashada Ingiriisiga
Ameerikaanku waxay aaminsanyihiin in uusan qofku kawaynaan kana yaraan inuu wax cusub barto. Barashada luuqad cusub waxay qaadataa waqti, oo qof kastaana waxa uu wax ku bartaa hab socod kala duwan. Barashada Ingiriisiga lagu qaato fasal uu dhigaayo macalin khibrad leh waa qaab wanaagsan oo aad kubaran karto Ingiriisiga, laakiin waxaa jira qaabab badan oo kale aadna kubaran karto Ingiriisiga.
Halkaan waxaad kahelaysaa waxyaabaha kaa caawin kara barashada luuqad cusub:
- Kubarbaro khadalka luuqada Ingiriisiga adoo lasheekaysanaaya dadka kale ee Ingiriisiga kuhadla.
- Kudaawo taleefishinka ama kudhagayso raadiyaha afka Ingiriisiga.
- Isticmaalka internetka si aad uraadsi sifooyin online ah oo aad Ingiriisiga kubaran karto.
- Soo xaadir fasalada Ingiriisiga.
- Yoolal aad gaari karto udaji naftaada asbuuc walba.
- Hay liiska erayada cusub ee aad barato.
- Iskuday inaad akhrido Ingiriisiga aad ku aragto meelaha kuudhaw ee astaamaha wadooyinka, meelaha ganacsiga, iyo daaqadaha dukaanada.
Waa muhiim inaad sii wadaa raadinta shaqo iyo inaad kaqayb gasho nolosha bulshada inta aad baranayso Ingiriisiga. Adeegyada turjumaada waxaa laga heli karaa meelaha sida isbitaalada iyo maxkamadaha.
Wakaalada dib udajinta maxaliga ah ayaa kaa caawinaysa qaxootiyada inay iska qoraan fasalada Ingiriisiga. Dad ka kala yimid daafaha aduunka ayaa si wada jir ah ugu barta Ingiriisiga Maraykanka. Inkastoo ardaydu leeyihiin xaalado aad ukala duwan, dhamaantood waxay rabaan iskuwax: inay bartaan Ingiriisiga.