Wakaalada Dib udajinta

Wakaalada Dib udajinta waa urur khayri ah kaasoo lashaqeeya dawlada Maraykanka kulana jira iskaashi kadhaxeeya dawlada iyo haayadaha gaarka ah si loo caawiyo qaxootiyaasha imaada Maraykanka ayadoo loosii maraayo Barnaamijka Qorista Qaxootiga ee Maraykanka. Hoos ka baro wax badan oo ku saabsan Wakaaladaada dib udajinta. Hoos ka baro wax badan oo ku saabsan Wakaaladaada dib udajinta.

Dooro qaabka aad u baranayso xogta ku qoran boggaan. Waxaad daawan kartaa muuqaal, waxaad soo degsan kartaa xaashida xaqiiqooyinka, ama waxaad dhagaysan kartaa cod. Dookh kasta wuxuu bixinayaa xog iskumid ah.  

Waxaa jira sagaal Wakaalado Dib udajinta ah oo lashaqeeya Dawalada Maraykanka heer qaran. Wakaaladahaan Dib udajinta ee qaranka waxay xafiisyo maxali ah kuleeyihin magaalooyinka ay qaxootiyadu joogaan, iskastoo saraakiisha maxaliga ah ay kushaqayn karaan magacyo kaladuwan.

Qaar kamid ah Wakaaladaha Dib udajinta waxay xariir laleeyihiin diimaha, laakiin looma ogola inay dadka cunsuriyadeeyaan sababo laxariira asalkooda, wadankooda, diintooda, ama jinsiga qofka qaxootiga ah, ama inay yihiin dad jirka ama dhmirka naafo ka ah.

Wakaaladaha Dib udajintu waxay caawinayeen qaxootiyaasha dhamaan daafaha caalamka inay dagaan Maraykanka mudo sanado badan ah. Waxay taageero wayn siiyaan qaxootiyaasha iyo qoysaskooda inta lagu jiro bilahooda ugu horeeya ay Maraykaka joogaan.

Resettlement Agency professional
Refugees at the table

Doorka Wakaalada Dib udajinta

Dawlada Maraykanka waxay usamaysaa tusmooyin waxayna kubixisaa qarashaad adeegyada aasaasiga u ah qaxootiyaasha, laakiin ururada Dib Udajinta iyo ururada kale waxay keenaan adeegyada iyo caawimaada. Wakaalada Dib udajinta waxay kugu xiraysaa adeegyada kale ee aad noloshaada cusub ugu baahantahay. Adeegyada iyo caawimnaada way kooban yihiin, qaxootiyaasha kala duwana waxay heli karaan adeegyo kaladuwan sababo laxariira arimaha sida xajmiga qoyska, da’da xubnaha qoyska, xarunta ay dagan yihiin, iyo dhaqaalaha ay haystaan.

30 ka Maalmood ee ugu Horeeya

Adeegyada koobaad waxaa loogu talagalay in qaxootiyo bilaabaan noloshooda cusub ee Maraykanka. Wakaladaha Dib udajinta ayaa kaacaawinaaya adeegyada aasaasiga ah iyo qarashaadka nolosha 30 ka maalmood ee kuugu horeeya Maraykanka. Wakaaladaha qaar toos ayay ubixyaan qrashaadkaaga. Qaarkood waxay kusiin karaan lacagta waxayna kutusayaan sida loodhiibo iyo meelaha gaarka ah ee lagu bixiyo.

90 ka Maalmood

Mudada 30 maalmood waxaa loo kordhin karaa 90 maalmood kadib markaad soogasho hadii adeegyada dib udajinta aan lagu dhamayn karin 30 maalmood. Waa inaad shaqo raadsata sida ugu dhakhsaha badan. Wakaalada Dib udajinta lagama rabo inay shaqo kuuraadiso. Wakaalada Dib udajinta kuma siinayso taleefan, taleefishin, gaari, ama kumbuyuutar, ama ay kaabixiso dayntaada safarka iyo biilalka kale. Waa inaad shaqaysaa si aad lacag badan uhesho si aad alaabtaanda ugadato aadna ubixiso qarashaadkaaga.

Uguurida Deegaan Kale

Waxaa jira sababo badan oo wanaagsan inaad joogto deegaankaaga ugu yaraan lix billod ama sanad. Hadaad doonayso inaad deegan kale uguurto, adiga ayaa masuul ka ah geedigaaga iyo wixii adeegyo ah ee aad ugu baahato deegaankaaga cusub. Waxaa fiican inaad fikradahaaga guurista lawadaagto Wakaalada Dib udajinta kahor inaadan guurin. Waa iaad usheegtaa Dawlada Maraykanka gurigaaga cusub toban maalmood gudahood geedigaaga kadib.

Adeegyada Loobaahanyahay

Waxaa jira adeegyo ay tahay in dhamaan wakaaladaha dib udajinta ay bixiyaan, ama ay xaqiijiyaan in qofkale uu bixinaayo, ayna siinayaan dhamaan qaxootiyaasha kujira 30 ka maalmood ee ugu horaysa Maraykanka:

  • Inay qaxootiyaasha ugu tagaan garoonka ayna gurigooda geeyaan.
  • Inay siiyaan maryaha xiliga ee muhiimka ah. Maryaha qasab maaha inay cusayb yihiin, laakiin waa inay nadiif tahay oona fiican yihiin.
  • Ay diyaariyaan guryo amaan ah, wanaagsan, oo nadiif ah.
  • Ayna siiyaan qofkasta oo wayn oo qoyska kamid ah xoogaa lacag ah si uu arimihiisa shaqsiga ah ugu adeegsado.
  • Inay siiyaan alaabta iyo qalabka guriga ee aasaasiga ah. Alaabta qasab maaha inay cusayb yihiin, laakiin waa inay nadiif tahay oona fiican yihiin.
  • Inay siiyaan cunto ama cunto raqiis ah ayadoo laga fiirinaayo cadadka qoyska ilaa saxiixyada labixiyo ama qoysku uu iskufilnaado.
  • Inay kacaawiyaan codsigooda caawimaada lacagta iyo caafimaadka.
  • Inay kaacaawiyaan codsigooda Kaarka Amaanka (Social Security Card).
  • Inay kaacaawiyaan iska qorista iskuulka luuqada Ingiriisiga, haday sidaas sax tahay.
  • Inay geeyaan meelaha waraysiga shaqada iyo tababarada.
  • Inay kaacaawiyaan iska qorista adeegyada shaqaalaysiinta, haday sax tahay.
  • Inay kaacaawiyaan helitaanka baaritaan caafimaad iyo adeegyo kasta oo caafimaad ee loobaahdo.
  • Inay kaacaawiyaan adeegyada iskaqorinta Adeegyada Doorashada ee raga udhaxeeya da’da 18 iyo ilaa 25 sano.
  • Inay kaacaawiyaan kaqorinta qorista caruurta iskuulka ayna kudaraan.
  • Inay siiyaan fahanka barashada deegaankooda cusub ee Maraykanka. 
  • Inay siiyaan gaadiid iyo turjumaad, sidii loogu baahdo, ee dhamaan adeegyada ay ubaahan yihiin.

Mowduucyada xidhiidhka leh

Diyaar ma u tahay inaad tijaabiso aqoontaada?

Wax ku baro mashquulka

App-ka Settle in waa saaxiib waxtar leh oo ku caawinayo inta aad kujirto safarkaaga dib u dejinta ee Mareykanka. Wax ka baro nolosha Maraykanka oo ku dhis xirfadahaaga su’aalo xiiso leh iyo casharro.

Apple Store icon

Qaabab badan oo wax lagu barto

Iyadoo ay jiraan casharro is-dhexgal ah iyo muuqaalo,markasta waxaa jira wax cusub oo la ogaan karo. Settle In waxay ka dhigtaa mid xiiso leh in la barato wax ku saabsan dib u dajinta gudaha Maraykanka. Wax ku baro xawaarahaaga – waxaan halkaan u joognaa inaan wadada kugu hagno adiga.