Gadiidka

Waxaa jira noocyo kaladuwan oo gaadiidka ah, kuwaasoo aad heli karto markaad soogasho bulshadaada cusub. Bulshooyinku inta badan waxay leeyihiin hal ama kabadan nooc oo gaadiidka dadwaynaha ah. Waa inaad ogaataa sida loo raaco gaadiidka dadwaynaha si amaan ah. Wakaaladaada dib udajinta ayaa ku siinaysa macluumaad kusaabsan isticmaalka gaadiidka dadwaynaha ee bulshadaada cusub markaad timaado wadanka. Hoos ka baro wax badan oo ku saabsan Gaadiidka Maraykanka.

Dooro qaabka aad u baranayso xogta ku qoran boggaan. Waxaad daawan kartaa muuqaal, waxaad soo degsan kartaa xaashida xaqiiqooyinka, ama waxaad dhagaysan kartaa cod. Dookh kasta wuxuu bixinayaa xog iskumid ah.  

Waxaa jira sharciyo Maraykanka kajira oo maamula socodka, baaskiil wadida, iyo gaari wadida. Marka koobaad oo aad soogasho Maraykanka, waxaad waqti badan kubixinaysaa u lugaynta meelaha aad u baahantahay inaad tagto. Mar dhaw, waxaad bilaabaysaa raacida gaadiidka dad waynaha. Gadiidka dadwaynuhu wuu kala duwan yahay meel ilaa meel. Meelaha qaar, waxay kugayn kartaa meelkasta oo aad rabto. Meelaha kalana, gaadiidka dadwaynaha wuxu kashaqayn karaa meelo gaar ah ama maba jiraba.

Yeelashada ama helida gaari shaqsi ah waxay leedahay faa;iidooyin iyo masuuliyado. Lahaanshaha iyo wadida gaari Maraykanka waxay noqon kartaa qaali. Bialaahaga ugu horeeya ee Maraykanka aad joogto, waxaad raaci kartaa gaadiidka dad waynaha si aad ugaarto deegaankaaga cusub. Hadhoow, kadib markaad hesho shaqo oo aad awoodi karto kharashka gaariga, waxaadna go’aansan kartaa inaad gaari soogadato, laakiin waxaa jir shuruuc ku saabsan caymiska gaariga, liisanada darawalka, iyo amaan aad ubaahan tahay inaad fahanto aadna adeecdo markaad gaari gadato.

Transportation in the United States
Transportation in the United States

Gadiidka dadwaynaha waxay usahlaan dadka magaalada jooga inay usafraan magaalada oo dhan ayagoo gaari wadan. Waxaad baranaysaa sida si amaan ah loogu fuulo, loogu raaco, loogana dago nooca gaadiidka ee aad raacayso. Markaad Maraykanka joogto, waxaa jira sadex nooc oo gaadiidka dadwaynaha ah: basabka, tareennada dhulka hoostiisa mara, iyo tareenada kumbuyuutarka kushaqeeya. Waxay kusocdaan jadwal waxayna istaagaan meelo khaas ah si dadka uga dagtaan unasoo fulaan. Waqtiyada inta badan, waxaad ubaahan tahay inaad gadato tigid si aad gaadiidka dadwaynaha uraacdo. Taksiyada iyo gawarida kale ee gaarka loo leeyahay ayaa sidoo kale laheli karaa, laakiin badanaa waa qaali.

Transportation in the United States

Iska jir staamaha iyo digniinaha taraafikada si aad amaan u ahaato markaad marayso gudaha bulshadaada. Kusoco geeska wadada iyo calaamadaha oo ka gudub jidadka xaga meelaha laga gudbo ama geeska.

Magaalooyin badan waxay bixiyaan haadad gaar ah oo loo asteeyay baaskiilada waxayna sidoo kale leeyihiin sharciyada taraafiga iyo badqabka oo gaar u ah baaskiilayda. Baaskiil wadida waa qaab farsamo ahaan raqiis ah oo aad kutagi karto meeshaad rabto, laakiin waa muhiim inaad barato oo aad raacdo sharciyada taraafikada si aad amaan ugu socoto.

Transportation in the United States
Transportation in the United States

Diyaar ma u tahay inaad tijaabiso aqoontaada?

Wax ku baro mashquulka

App-ka Settle in waa saaxiib waxtar leh oo ku caawinayo inta aad kujirto safarkaaga dib u dejinta ee Mareykanka. Wax ka baro nolosha Maraykanka oo ku dhis xirfadahaaga su’aalo xiiso leh iyo casharro.

Qaabab badan oo wax lagu barto

Iyadoo ay jiraan casharro is-dhexgal ah iyo muuqaalo,markasta waxaa jira wax cusub oo la ogaan karo. Settle In waxay ka dhigtaa mid xiiso leh in la barato wax ku saabsan dib u dajinta gudaha Maraykanka. Wax ku baro xawaarahaaga – waxaan halkaan u joognaa inaan wadada kugu hagno adiga.