Jihaynta Dhaqameed

Waqti kahor inta aadan uduulin Maraykanka, Xarunta Taageerada Dib udajinta ayaa sidoo kale kuubalaminaysa inaad kaqaybgasho casharo lagu baranaayo Jihaynta Dhaqanka halkaasoo lagugu siinaayo macluumaad muhiim ah uu ku saabsan safarka aad Maraykanka ku tagayso iyo waxa aad lakulmi doonto markaad gaarto. Hoos ka baro wax badan oo ku saabsan Hanuuninta Dhaqanka.

Cultural Orientation

Dooro qaabka aad u baranayso xogta ku qoran boggaan. Waxaad daawan kartaa muuqaal, waxaad soo degsan kartaa xaashida xaqiiqooyinka, ama waxaad dhagaysan kartaa cod. Dookh kasta wuxuu bixinayaa xog iskumid ah.  

Talaabada 4: Jihaynta Dhaqameed

Jihaynta Dhaqanka  wuxuu kuudiyaarinayaa dib udajintaada asagoo casharo farsamo ah kaasiinaaya dhaqamada iyo sharciyada Maraykanka. Casharada Jihaynta Dhaqanku waxay kaa caawinayaan inaad hesho v aadna barato xirfadaha iyo fikradaha lagaa rabo inaad barato si aad ugu guulaysato deegaankaagaa cusub. USRAP waxay abuurtay manhaj loogu talagalay Jihaynta Dhaqanka ayadoo ku salaysan tobanaansano oo khibrad ah. Casharada Jihaynta Dhaqanka waxaa dhiga shaqaale kuhadla luqaddo badan,  isirkodu kala duwanyahay kuwaasoo kaacaawinaaya inaad ka adkaato caqabadaha isdhexgalka waxayna jawaabo kaasiinayaan inta badan suaalaha aad kaqabi karto dib udajinta Maraykanka.

Cultural Orientation
Cultural Orientation

Suaalaha Inta Badan La Iswaydiiyo

Kulanada tababarka Jihaynta Dhaqanka waxaa loogu talagalay inay kaa caawiyaan inaad laqabsato noloshaada cusub ee Maraykanka. Mawduucyada lagugu baraayo waxaa kamida:

  • Doorka Wakaalada Dib udajinta 
  • Shaqada
  • Guriyaynta
  • Waxbarashadda
  • Caafimaadka
  • Adeegyada Bulshada
  • Xuquuqaha iyo masuuliyadaha
  • Barashada Ingiriisiga
  • Maaraynta Lacagta
  • Gadiidka
  • La qabsiga Dhaqanka

Si aad uhesho faaiidada ugu badan, casharada Jihaynta Dhaqanka (CO) waxaa loosameeyay inaad noqoto ka qayb gale iyo dhegale. Waxaan si wayn ugu dhiiri galinaynaa in dhamaan xubnaha qoyska ee xaqa uleh ay kaqayb qaataan.

Waxaa jiro xiliyo aysan macquul ahayn inaad kaqaybgasho Jihaynta Dhaqanka (CO) Xaaladahaan markay jiraan, waxaa lagu siinayaa ayadoo qoraal ah si aad ula qabsato noloshaada Maraykanka. Waxaa lagaa doonayaa inaad dulmarto macluumaadka kahor inta aadan safrin. Waxaa lagugu siinayaa casharo dheeraad ah oo jihaynta Dhaqanka ah markaad tagto Maraykanka.

Ready to test your knowledge?

Education Settle in app

Download the Settle In App

Get unlimited access to hundreds of lessons designed for all learners

Apple Store icon
Get it on Google Play store
Settle In App

Test your Knowledge

With short videos and interactive lessons, you can learn about a wide range of pre- and post-arrival resettlement topics like traveling to the U.S., housing, and looking for a job.