Waraysiga USCIS

Haddii kiiskaagu kagudbo baaritaanka hore ee amaanka, waxaa kulasoo xariiraaya RSC waxayna kuubalaminaysaa waraysi ay kaaqaadayaan saraakiil si gaar ah u tababaran oo ushaqeeya Dawlada Maraykanka oo kasocda Adeegyada Muwaadinnimada iyo Soogalootiga ee Maraykanka, ama USCIS taasoo ah laan kamid ah Waaxda Maraykanka ee Amaanka gudaha, ama DHS. Qofkasta oo kujira kiiskaaga waa inuu kaqaybgalaa waraysiga. Hoos ka baro wax badan oo ku saabsan Wareysiga USCIS.

USCIS Interview

Dooro qaabka aad u baranayso xogta ku qoran boggaan. Waxaad daawan kartaa muuqaal, waxaad soo degsan kartaa xaashida xaqiiqooyinka, ama waxaad dhagaysan kartaa cod. Dookh kasta wuxuu bixinayaa xog iskumid ah.  

Waraysiga USCIS

USCIS waxuu kuwaydiinayaa suaalo badan oo lamid ah ama udhaw kuwii aad uga jawaabtay waraysiga baaritaaanka ka horeeya, waxaad u baahan doontaa inaad sharaxdo mar labad sida iyo sababta aad unoqotay qaxooti. Markaad lakulanto sarkaalka USCIS, waxay akhriyeen dhamaan macluumaadkaaga faylka ayna kujiraan macluumaadka aad kusheegtay waraysiga baaritaaanka ka horeeya. Sarkaalka USCIS wuxuu ubaahnayahay wali inuu xaqiijiyo macluumaadka aad sheegtay wuxuuna kuwaydiinayaa suaalo dheeraad ah oo kusaabsan haddaad uqalanto dib udajin in lagaa siiyo Maraykanka. Waajib waxaa kugu ah inaad daacad sheegto. Waxaa lagu waydiisanayaa inaad kudhaarato dhaar in wax walba oo aad warasiga kusheegtay ay run yihiin. Codsigaaga dib udajinta Maraykanka waxaa lagu go’aaminayaa iyaddoo ku salaysan marag furka iyo cadaymaha kale ee suuragalka ah. Si aad xaq ugu yeelato oggolaanshaha daganaanshaha Maraykanka waa inaad runta sheegtaa. Haddaad kufashilanto inaad runta sheegto waxay keenaysaa in codsigaaga ladiido.

Si lamida waraysiga baaritaaanka ka horeeya, RSC ayaa kuukeenaysa turjumaan. Turjumaanada RSC waa kuwo aad utabaran oo xirfad leh. Shaqada turjumaanku waa inuu adiga iyosarkaalka USCIS idinka caawiyo inaad wada hadashaan. Turjumaanku waxna kuma daraayo waxna kama jaraayo sheekadaada. Waxay turjumayaan waxkasta oo adiga iyo sarkaalka USCIS aad dhahdaan mana badalayaan macnaha erayadaada. Hadaad walaac kaqabto saxnimada macluumaadka, fadlan arintaan usheeg sarkaalka. Xili walba inta uusocdo waraysiga waxaad waydiisan kartaa sarkaalka USCIS inuu ama kacodsan kartaa inuu kuceliyo ama si kale udhigo suaal hadaadan fahmin ama wax ay mugdi kujiraan.

Hadii macluumaadka lagaala sooxariiraayo sida ciwaanka, email ka, nambarka taleefanka, iyo macluumaadka eheladaada kunool Maraykanka uu isbadalay lagasoo bilaabo waraysigaaga baaritaaanka ka horeeya , waa inaad ugudbisaa macluumaadka cusub markaan. Hadaan faro lagaa qaadin maalintii waraysiga baaritaaanka ka horeeya laqabtay, qofkasta oo jira 14 iyo kawayn faro ayaa looga qaadayaa waraysigaan.

USCIS ayaa gaaraysa go’aanka ugu danbeeya ee inaad uqalanto in Maraykanka dib udejin lagaa siiyo iyo in kale. Shaqaalaha RSC iyo turjumaanadu waxba kama oga go’aankaan sinaba. Mahelaysid natiijada waraysigaa maalinta aad buuxiso waraysiga. Marka USCIS ay go’aan kasoo saarto kiiskaaga, RSC ayaa kuusoo sheegaysa go’aanka.  Waxaad helaysaa mid kamida sadexda go’aan ee soo socda:

  1. Kiiskaaga wuxuu uqalmaa inaad Maraykanka daganaansho kahesho;
  2. Kiiskaaga umaqalmo inaad Maraykanka daganaansho kahesho;
  3. Waqti dheeraad ah ayaa loobaahan yahay si loobaaro xaq uyeelashadaada.

Hadii laguu sheego in kiiskaaga uu xaq uleeayahy ama laguusheego in waqti dheeraad ah loobaahanyahay si go’aan looga gaaro, codsigaaga wuu siisocnayaa nidaamka. Hase yeeshee, kiis kasta waxaa lamarinayaa dhanka baaritaan amaanka ah inta nidaamka socoto oo dhan. Go’aanada kiiska way isbadali karaan xili kasta.

USCIS Interview
USCIS Interview

Suaalaha Inta Badan La Iswaydiiyo

La imoow waraysiga USCIS wax alaala waxa dukumiinti aqoosi ah oo aad haysato adiga iyo qoyskaaguba ee kiiska kugula jira, xataa haddaad dukumiintigaas keentay waraysiga baaritaaanka ka horeeya . Waa inaad keentaa dukumiintiyada asalka ah ee aad haysato, hadaadan haysan asalka, keen koobiyada.

Hoos waxaa kuqoran dukumiintiyada faa’iido yeelan kara markaad marayso waraysigaaga USCIS:

  • Shahaadooyinka UNHCR ee qaxootiga / Kaarka aqoonsiga ee UNHCR / dukumiintiyada diiwaangalinta ee UNHCR
  • Baasaboorka ama dukumiintiyada safarka (ayna kujiraan dukumiintiyada safarka ee dhacay)
  • Kaarka aqoonsiga wadanka
  • Shahaadooyinka muwaadinnimada 
  • Kararka aqoonsiga kumeelgaarka ah ee ajaanibta 
  • Shahaadooyinka dhalashada
  • Liisannada guurka
  • Dukumiitiyada furitaanka
  • Dukumiintiyada xabsiga
  • Dukumiintiyada korsashada
  • Shahaadooyinka dhimashada, , haddii ay la xidhiidho sheegashada dhibaataynta
  • Dukumiintiyada diinta (gardaadinta, guurka, shahaadada guurka ee kumeel gaarka ah, dhimashada)
  • Dukumiintiyada shaqada, haday qusayso codsigaaga qaxootiga
  • Dukumiintiyada waxbarashada/diploomooyinka
  • Dukumiintiyada muhiimka ah ee caafimaadka (baaritaanada iyo daawooyinka laguu qoray)
  • Foomka caafimaadka oo leh waqtiga aad dhalayso hadaad uur leedahay
  • Waraaqaha hanjabaada
  • Waraaqaha yeerista booliiska/milatariga
  • Dukumiintiyada maxkamada ee wixii danbiyo lagugu eedeeyay ama lagugu xukumay ah, meelkasta oo aduunka ah
  • Daabacadaha saxaafada ee kiiskaaga laxariira (nuqulada wargaysyada, email lada kuquseeya)
  • Buugta militariga iyo dukumiintiga kale sida kaararka aqoonsiga, shahaadooyinka, kacayrinta ciidanka, ama fasaxa ah inaad hub qaadan karto
  • Shahaadada laan qayrta cas (haddii laguu diiwaangeliyay sidii maxbuus dagaal ah)
  • Waraaqaha talooyinka, hadday quseeyaan sheegashadaada
  • Magacyada, ciwaanka iyo taleefan nambarada dadka Maraykanka kuujooga (asxaabtaada iyo eheladaada horay ugu noolaa Maraykanka)

Waxaad mudo dheeraada sugi kartaa RSC kahor iyo kadiba waraysiga. Shaqaalaha RSC ayaa kuqancinaaya mudadaadan ilaa iyo inta macquulka, laakiin samirkaaga waan kaaga mahad celinaynaa. Haddaad wax suaalo ah qabto ama walaacyo intaad sugayso, fadlan usheeg shaqaalaha RSC ama saraakiisha amaanka ee meesha sugitaanka jooga.

Caruurta waxaa macquul ah inaan marwalba lagasoo tagin. Fadlan usoo qaad cunto fudud caruurtaada, xaafaayado usoo qaad, (haddii loobaahdo), iyo boonbalayaasha ama waxyaabaha kale ee ay isku mashquuliyaan.

Waxaa lagaasoo wadayaa meesha sugitaanka waxaana ku gaynaya goobta waraysiga turjumaan ama xubin shaqaalaha RSC. Ogoow turjumaanada waxaa la faray inaysan kaala hadlin wax quseeya kiiskaaga. Fadlan ku hagaaji dhamaan suaalahaaga shaqaalaha kiiskaaga ama sarkaalka USCIS.

Waxaa kuwarasanaaya sarkaal si gaar ah u tababaran oo kasocda USCIS Si saraakiishan ay go’aan uga gaaraan inaad uqalanto dib udajin lagaa siiyo Maraykanka, waxaa jira suaalo badan oo ay tahay qasab inaad kajawaabto. Waanu fahamnay in suaalahaan qaarkood ay kugu adkaan karaan. Waxaan kaaga mahad celinaynaa samirkaaga nidaamkan.

Waxaa qolka kula joogi doona turjumaan. Shaqada turjumaanku waa inuu adiga iyo sarkaalkaaga USCIS idinka caawiyo inaad wada hadashaan. Turjumaanku waxba kuma daraayo waxna kama jaraayo sheekadaada. Waxay turjumayaan waxkasta oo adiga iyo sarkaalka USCIS aad dhahdaan waxna kama badalayaan macnaha erayadaada.

Marka aad dhamayso waraysigaaga, waxaa lagugu celinayaa aaga sugitaanka inta codsigaaga lahubinaayo. Shaqaalaha RSC ayaa kuu sheegaaya marka aad kabixi karto RSC ama goobta waraysiga. Fadlan HA BIXIN ayadoon laguu sheegin inaad sidaas samayso.

Natiijada waraysigaaga isla markaba lagula wadaagi maayo waraysiga kadib. Waxay qaadan kartaa bilo in laguu soo sheego natiijada waraysiga USCIS.

Waxaa jiri doono mid kamid ah sadexda natiijo ee soo socota ee waraysigaaa USICS:

  1. Kiiskaaga wuxu xaq uyeeshay dib udajin lagaa siiyo Maraykanka nidaamka waxay ugudbaysaa wajiga xiga; 
  2. Waqti dheraad ah ayaa loo baahanyahay si loobaaro inaad uqalanto, oo kiiskaagana waa lasii wadi karaa ilaa tallaabada labbaad;
  3. Kiiskaaga UMA qalmo inaad Maraykanka daganaansho kahesho. Hadaad hesho natiijadan, waxaad u qalmi kartaa inaad soo gudbiso codsi aad kudalbanayso in dib u eegis lagu sameeyo go’aanka kaasoo kadhigan racfaan. Hadday sidaas tahay, waxaa laguu sheegayaa tilmaamaha qaabka aad codsigaan ugudbinayso marka laguu sheego go’aanka.

Dhamaan codsadayaasha waa ay marayaan baaritaanada dhanka amaanka dhamaan mudada ay socoto nidaamka oo go’aanaduna way isbadali karaan.

Codsigaaga lama ilaawaayo lamana tuuraayo.

Warasyiga baaritaaanka ka horeeya waxaa qaada shaqaale kiiska qaabilsan, kaasoo kashaqeeya RSC. Qofkaan uma shaqeeyo Dawlada Maraykanka. Inta lagu jiro waraysiga baaritaaanka ka horeeya , shaqaalaha kiiska ee RSC wuxuu aruuriyaa macluumaadka foomamka codsiga iyo nidaamka oggolaanshaha amniga ah wuxuuna qoraa warbixintaada ku saabsan sababta aad ugasoo qaxday wadankaagii hooyo. Macluumaadka ay soo aruuriso RSC waxaa intaas kadib loo gudbiyaa USCIS.

Inta lagu jiro waraysiga USCIS, sarkaal kasocda USCIS ayaa dulmaraaya macluumaadka lagusoo aruurshay waraysigii hore wuxuuna waraysanayaa dhamaan xubnaha kujira kiiska. Sarkaalka USCIS iyo kormeerihiisa, ayagoo latashanaaya xarunta dhexe ee USCIS ee kutaala Washington, DC, ayaa go’aan kagaaraaya inaad uqalanto Dib Udajin lagaa siiyo Maraykanka ayadoo loosii maraayo USRAP.

Shaqaalaha kiiska iyo turjumaanada RSC waa fududeeyaal, maaha kuwa go’aanka gaara. Go’aanka quseeya inaad uqalanto iyo in kale dib udajin lagaa siiyo Maraykanka waxaa kaliya iskaleh USCIS. Shaqaalaha RSC iyo turjumaanadeedu kuma luglaha go’aankaan.

Ready to test your knowledge?

Education Settle in app

Download the Settle In App

Get unlimited access to hundreds of lessons designed for all learners

Apple Store icon
Get it on Google Play store
Settle In App

Test your Knowledge

With short videos and interactive lessons, you can learn about a wide range of pre- and post-arrival resettlement topics like traveling to the U.S., housing, and looking for a job.