Barashada Ingiriisiga

Barashada Ingiriisiga waxay muhiim utahay la qabsiga guusha leh inaad kusii noolaato Marakanka dadka waawayn iyo caruurtaba. Barashada Ingiriisigu waxay kaacaawinaysaa inaad waxkaqabato baahiyahaaga, aadna shaqo hesho, aad shaqada guul kagaarto, aad isfahantaan dadkale ee Ameerikaanka ah, aadna si dhakhso leh ula qabsato noloshaada cusub ee Maraykanka. Hoos ka baro wax badan oo ku saabsan Barashada Ingiriisiga ee Maraykanka.

Learning English in the United States

 

Barashada Ingiriisiga

Ameerikaanku waxay aaminsanyihiin in uusan qofku kawaynaan kana yaraan inuu wax cusub barto. Barashada luuqad cusub waxay qaadataa waqti, oo qof kastaana waxa uu wax ku bartaa hab socod kala duwan. Barashada Ingiriisiga lagu qaato fasal uu dhigaayo macalin khibrad leh waa qaab wanaagsan oo aad kubaran karto Ingiriisiga, laakiin waxaa jira qaabab badan oo kale aadna kubaran karto Ingiriisiga.

Halkaan waxaad kahelaysaa waxyaabaha kaa caawin kara barashada luuqad cusub:

  • Kubarbaro khadalka luuqada Ingiriisiga adoo lasheekaysanaaya dadka kale ee Ingiriisiga kuhadla.
  • Kudaawo taleefishinka ama kudhagayso raadiyaha afka Ingiriisiga.
  • Isticmaalka internetka si aad uraadsi sifooyin online ah oo aad Ingiriisiga kubaran karto. 
  • Soo xaadir fasalada Ingiriisiga. 
  • Yoolal aad gaari karto udaji naftaada asbuuc walba.
  • Hay liiska erayada cusub ee aad barato.
  • Iskuday inaad akhrido Ingiriisiga aad ku aragto meelaha kuudhaw ee astaamaha wadooyinka, meelaha ganacsiga, iyo daaqadaha dukaanada.
Learning English in the United States
Learning English in the United States

Waa muhiim inaad sii wadaa raadinta shaqo iyo inaad kaqayb gasho nolosha bulshada inta aad baranayso Ingiriisiga. Adeegyada turjumaada waxaa laga heli karaa meelaha sida isbitaalada iyo maxkamadaha.

Wakaalada dib udajinta maxaliga ah ayaa kaa caawinaysa qaxootiyada inay iska qoraan fasalada Ingiriisiga. Dad ka kala yimid daafaha aduunka ayaa si wada jir ah ugu barta Ingiriisiga Maraykanka. Inkastoo ardaydu leeyihiin xaalado aad ukala duwan, dhamaantood waxay rabaan iskuwax: inay bartaan Ingiriisiga.

Learning English in the United States

 

 

 

Learning English in the United States

Diyaar ma u tahay inaad tijaabiso aqoontaada?

Wax ku baro mashquulka

App-ka Settle in waa saaxiib waxtar leh oo ku caawinayo inta aad kujirto safarkaaga dib u dejinta ee Mareykanka. Wax ka baro nolosha Maraykanka oo ku dhis xirfadahaaga su’aalo xiiso leh iyo casharro.

Qaabab badan oo wax lagu barto

Iyadoo ay jiraan casharro is-dhexgal ah iyo muuqaalo,markasta waxaa jira wax cusub oo la ogaan karo. Settle In waxay ka dhigtaa mid xiiso leh in la barato wax ku saabsan dib u dajinta gudaha Maraykanka. Wax ku baro xawaarahaaga – waxaan halkaan u joognaa inaan wadada kugu hagno adiga.