Language:

Dib u eegista Barnaamijka Soodhawaynta iyo Meelaynta ee Maraykanka

When you arrive at your final destination in the United States, representatives of a resettlement office (or your US-based relative, if you have one) will meet you at the airport to welcome you. You will be transported to safe and sanitary housing pre-arranged for you and your family. Learn more below.

Dooro qaabka aad u baranayso xogta ku qoran boggaan. Waxaad daawan kartaa muuqaal, waxaad soo degsan kartaa xaashida xaqiiqooyinka, ama waxaad dhagaysan kartaa cod. Dookh kasta wuxuu bixinayaa xog iskumid ah.  

Soodhawayn iyo Meelaynta

Gurigu wuxuu leeyahay alaabta muhiimka ah, qalabka dadka guriga isticmaalaan, iyo saadka hore ee cuntadda. Isla marka aad soogashaba, waxaad lakulmaysaa shaqaalaha wakaalada dib udajinta. Xafiiska dib udajinta ayaa kusiinaaya adeegyada Soodhawayn iyo Meelaynta kuguna xiraaya adeegyada kale ee bulshada inta lagu jiro 30 ilaa 90 ka maalmood ee kuugu horaysa Maraykanka. Shaqaalaha xafiiska dib udajinta ayaa kucaawinaaya ayaga ayaadna laxariiraysaa inta badan. Shaqaaluhu waxay waxkaqabanayaan baahiyahaaga degdega ah.

Hawal walin hadaadan kuhadli karin Ingiriiga waayo turjumaada dhamaan adeegyada labixinaayo ayaa lagusiinayaa, hadii loobaahdo. Qofkasta oo qaan gaar ah kana mid ah qoyskaaga waxaa lasiinayaa xoogaa lacag ah si uu arimihiisa shaqsiga ah ugu adeegsado. Waxaa lagu siinayaa sidoo kale cunto ama gunnada cuntadda si waafaqsan xajmiga qoyskaaga. Shaqaalaha ayaa kaacaawinaaya inaad codsato Kaarka Amaanka Bulshada (Social Security card), kaasoo muhiim ah inaad hesho shaqo iyo faaiidooyinka kale ee Maraykanka laga helo.

Waxay kaa caawinaayaan inaad iska diiwaangaliso adeegyada shaqada. Raadinta, helista, iyo ilaalsashada shaqada waxay muhiim utahay mustaqbalka iyo faya qabka qoyskaaga. Shaqadu waa qaabka ugu dhaqsaha badan ee aad iskukaafin karto waxayna muhiim utahay guushaada. In caruurtu iskuul aadaan waa waajib Maraykanka dhexdiisa. Waxaa lagaa caawinaayaa inaad caruurtaada gayso iskuul dadwayne, kaasoo bilaash ah. Hadii adiga iyo qoyskaaga aydaan kuhadlin Ingiriisiga, shaqaalaha xafiiska dib udajinta ayaa kaacaawinaaya helitaanka iyo iskaqorista fasalka luuqada Ingiriisiga.

Waxay adiga iyo qoyskaaga kacaawinaayaan inay helaan baaritaan caafimaad oo hore waxayna kaacaawinaayaan sidaad uhelikarto oo aad ubixin karto adeegyada caafimaadka markaad ubaahato. Waxay sidoo kale kaacaawinaayaan caymiska caafimaadka hadaan loo shaqeeyayaagu kusiinin, ama daboolida caafimaadka dawladu kaa bixnayso hadaad xaq uyeelato.

Xafiiska dib udajinta ayaa kusiinayaa Fahanka Dhaqanka kaasoo kudhisan tababarka Dhaqanka aad kubaratay Xarunta Caawimaada Dib udajinta. Tababarka Dhaqanka wuxuu kaacaawinaayaa inaad waxbadan kabarato bulshada cusub ee aad kubiirtay. Lagasoo bilaabo markaad soogashay Maraykanka, waxaa kudifaacaaya shuruucda difaacaysa dadka kale ee Maraykanka ah.

Waxaad baranaysaa xaquuqahaaga iyo masuuliyadahaaga ka muwaadin sharci ahaan iyo sida aad caawimaad kuhelayso markaad ubaahato. Inta lagu jiro 30 ilaa 90 maalmood ee Soo dhowaynta hore iyo waqtiga Dajinta, shaqaalaha dib udajinta ayaa kaala shaqaynaaya horumarinta iyo fulinta qorshe aad ugu guulaysan karto inaad isku filnaato. Hadii caawimaad dheeri ah loo baahdo wixii ka danbeeya mudadaq 30 ilaa 90 maalmood ah, waxay kugu xiraayaan adeegyada bulshada kale ama dawlada.

Reception and Placement Overview
Reception and Placement Overview

Mowduucyada xidhiidhka leh

Diyaar ma u tahay inaad tijaabiso aqoontaada?

Wax ku baro mashquulka

App-ka Settle in waa saaxiib waxtar leh oo ku caawinayo inta aad kujirto safarkaaga dib u dejinta ee Mareykanka. Wax ka baro nolosha Maraykanka oo ku dhis xirfadahaaga su’aalo xiiso leh iyo casharro.

Apple Store icon

Qaabab badan oo wax lagu barto

Iyadoo ay jiraan casharro is-dhexgal ah iyo muuqaalo,markasta waxaa jira wax cusub oo la ogaan karo. Settle In waxay ka dhigtaa mid xiiso leh in la barato wax ku saabsan dib u dajinta gudaha Maraykanka. Wax ku baro xawaarahaaga – waxaan halkaan u joognaa inaan wadada kugu hagno adiga.