Baaritaan Caafimaadka

Haddii kiiskaaga horay usii gudbo, adiga iyo xubin kasta oo kamid ah qoyska oo kujira kiiskaaga waxaa loo balaminayaa baaritaan caafimaad oo waajib ah. Fadlan keen dhamaan dukumiinyiyada caafimaadka iyo talaalka ee aad heli karto goobtaada waraysiga. Tani waxay aad muhiim ugu tahay samaynta qaban qaabada daryeel caafimaad oo habboon inta lagu jiro nidaamka dib udajinta iyo kadib markaad Maraykanka soogasho. Xiliga ay dhacayaan baaritaanada caafimaad waa ka duwan yihiin 3 ilaa 6 bilood. Waxaa lagaa dooni karaa inaad marto baaritaan caafimaad oo kale haddaadan Maraykanka soo aadin kahor intaan baaritaankaagii hore dhicin. Hoos ka baro wax badan oo ku saabsan habka Baarista Caafimaadka.

Medical Screening

Dooro qaabka aad u baranayso xogta ku qoran boggaan. Waxaad daawan kartaa muuqaal, waxaad soo degsan kartaa xaashida xaqiiqooyinka, ama waxaad dhagaysan kartaa cod. Dookh kasta wuxuu bixinayaa xog iskumid ah.  

Talaabada 3: Baaritaan Caafimaadka

Baaritaanada caafimaad waxaa looga dan leeyahay in laxaqiijiyo inaad buuxisay shuruudaha caafimaad ee waajibka ah markaad Maraykanka soogalaysid, aadna kuhaboon tahay inaad safarto, aadna hesho daryeel caafimaad oo habboon markaad ubaahato, aadna khatar ukeenin dadka kale ee safraaya.

Baaritaanka caafimaad waxaa kamid kuwaan soo socda:

  • Qiimayn lagu samaynaayo xaaladaha xadiga caafimaadka guud
  • Aqoonsiga xaaladaha caafimaad ee ubaahan baaritaano dheeraad ah intaadan safrin, safarka intaad kujirtid, iyo wejiyada ka dambeeya imaansha udajinta
  • Qiimaynta safarka ku habboon, daawaynta, iyo gaynta goobaha caafimaad, markii loobaahdo*

*Shaqsiyaadka qaba xaalada caafimaad ee halista ah waxaa loo qoondayn doonaa raacitaan caafimaad si loos iiyo taageero muddada safarkooda ilaa Maraykanka.

Medical Screening
Medical Screening

Suaalaha Inta Badan La Iswaydiiyo

Inta lagu jiro baaritaankaaga, ayadoo kuxiran da’daada, waxaad fili kartaa inaad haysato:

  • Cadaadiskaaga dhiigaaga, dheerarkaaga, miisaankaaga, iyo baaritaanka indhaha
  • Dhiigaaga oo lagaa qaado
  • Raajo lagaa saaraayo xabadka
  • Baaritaanka jirka ah
  • Talaalada lagu siiyay

Markaad dhamayso Baaritaankaaga Caafimaad, waxay qaadan kartaa mudo asbuucyo kahor intaan lasoo gaba gabayn natiijooyinkaaga oon lala wadaagin Xarunta Taageerada Dib udajinta. Ayadoo qayb ka ah nidaamka, waxaa lagaa doonayaa inaad marto baaritaano dheeraad ah. Hadday saan tahay, waxaa kulasoo xariiri kara dhaqtar ama shaqaalaha RSC si laguugu balamiyo ballanka ka warhaynta ah. Foomamka baaritaanka caafimaad waxay leeyihiin 3 ilaa 6 bilood oo ay kudhacaan kadib baaritaanka jirka iyo, ayadoo kuxiran nidaamyada kale ee dib udajinta iyo baaritaanada, waxaa lagaa codsan karaa inaad marto qiimayno kucelis ah oo caafimaad.

Diyaar ma u tahay inaad tijaabiso aqoontaada?

Education Settle in app

Download the Settle In App

U hel marin aan xadidnayn oo boqolaal casharo ah oo loogu talagalay dhammaan bartayaasha

Apple Store icon
Get it on Google Play store
Settle In App

Test your Knowledge

With short videos and interactive lessons, you can learn about a wide range of pre- and post-arrival resettlement topics like traveling to the U.S., housing, and looking for a job.