Kahortaga Khiyaanada

USRAP waxay kushaqaysaa deegaan amaan ah. Dhamaan shaqaaluhu waxay halkan ujoogaan inay kucaawiyaan waxayna aaminsanyihiin xuquuq loo simanyahay. Haddii lagugu xadgudbo sababo laxariira caqiidadaada, diintaada, jinsigaaga, ama dareenkaaga galmo, waxaad usheegi kartaa shaqaalaha USRAP. Waxaad xor utahay inaad lahadasho shaqaalaha kiiskaaga ama aad wax waydiiso kormeeraha (nin ama haweenay wuxuu yahayba) xili kasta. Waxkasta oo aad usheegto xubin kamid ah shaqaalaha waa mid si wayn loo xifdinaayo.

Dooro qaabka aad u baranayso xogta ku qoran boggaan. Waxaad daawan kartaa muuqaal, waxaad soo degsan kartaa xaashida xaqiiqooyinka, ama waxaad dhagaysan kartaa cod. Dookh kasta wuxuu bixinayaa xog iskumid ah.  

Dhamaan adeegyada nidaamka dib udajinta waa lacag la’aan. Manaba inta lagu jiro nidaamka qof kamid ah RSC, IOM, Wakaaladaha Dib udajinta, xarumaha caafimaadka, NGO yada, UNHCR, ama Dawlada Maraykanka kama codsan karo qarash adeeg kasta oo uu kuusameeyaba. Hadii qof kaadalbado lacag, uu kugu qasbo inaad codsi dirto, uu sheegto inuu kuu faragelin karo adiga ama dedejin karo codsigaaga ama uu kuwaydiisto asxaan galmo ama asxaan noocouu rabo, ama uu kuu hanjabo say noqotaba, fadlan usheeg RSC. Macluumaadka ku saabsan soo wargalinta dhaqan xumada ayaa lagu siinayaa inta lagu jiro waraysiga koobaad.

Avoid Fraud
Avoid Fraud

Mowduucyada xidhiidhka leh

Ready to test your knowledge?

Education Settle in app

Download the Settle In App

Get unlimited access to hundreds of lessons designed for all learners

Apple Store icon
Get it on Google Play store
Settle In App

Test your Knowledge

With short videos and interactive lessons, you can learn about a wide range of pre- and post-arrival resettlement topics like traveling to the U.S., housing, and looking for a job.