Shaqada

Shaqadu wadankaan Maraykanka waa mid aad muhiim u ah. Raadinta, helista, iyo ilaalsashada shaqada waxay muhiim utahay mustaqbalka iyo fayo qabkaaga qoyskaaga. Waa qaabka ugu dhaqsaha badan ee aad isku kaafin karto waxayna muhiim utahay guushaada. Wakaaladaada Dib udajinta ayaa kaa caawinaysa inaad kuxiranto adeegyada shaqaalaysiinta, laakiin ugu danbayn adaa qaadanaaya doorka ugu muhiimsan raadinta iyo ilaalinta shaqadaada. Waxaa laguu diyaarinayaa inaad si firfircoon uraadsato shaqo sida ugu dhakhsiyaha badan markaad timaado Maraykanka. Hoos ka baro wax badan oo ku saabsan Shaqaalaynta Mareykanka. 

Dooro qaabka aad u baranayso xogta ku qoran boggaan. Waxaad daawan kartaa muuqaal, waxaad soo degsan kartaa xaashida xaqiiqooyinka, ama waxaad dhagaysan kartaa cod. Dookh kasta wuxuu bixinayaa xog iskumid ah.  

Raadinta Shaqo

Dhamaan dadka waawayn, rag iyo dumar ba, kuwaasoo udhaxeeya da’aha 18-64 kuwaasoo awood uleh inay shaqeeyaan waa inay muhiimad kadhigtaan raadinta shaqo. Shaqadu waxay kuu sahlaysaa inaad taageerto naftaada iyo qoyskaaga. Caawimaada dawlada waa mid kooban waqti iyo cadad ba, sidaas awgeed waa muhiim inaad shaqo raadsato isla marka aad Maraykanka timaado.

Shaqada ma damaana qaado dawlada Maraykanka ama Wakalada Dib udajintu. Waxay qaadan kartaa inaad shaqo hesho asbuucyo ama bilo waxaadna mari kartaa waraysiyo shaqo oo kala duwan. Waa inaad lashaqaysaa khabiirkaaga dhanka shaqada si aad uraadiso shaqo aadna barato tilmaamaha guud ee waraysiyada.

Waxaa lagaa filayaa inaad aqbasho shaqada ugu horaysa ee aad hesho, xataa hadaysan mushahaar badan lahayn ama aysan ahayn qayb aad taqaano, si markaas aad uyeelato taariikh shaqo aadna utaageerto qoyskaaga. Haddaadan qaadan shaqada lagu siiyo, waxaad waayi kartaa taageerada dawlada. Waxaa jira dad badan oo isla shaqada codsnaaya, sidaas awgeed waa muhiim inaad aqbasho heerka bilowga ah shaqo cusub. Si aad udhisto taariikh shaqo oo wanaagsan, waa inaad shaqada sii wadaa ugu yaraan 6 bilood.

Employment in the United States
Employment in the United States

Dhaqanka Shaqo ee Maraykanka

Maraykanka waxaa lagu yaqanaa inuu yahay dhulka fursad ee dadka dadaalka leh. Si aad uhesho shaqo mushahar fiican, oo badan waxaad ubaahan tahay inaad ku hadasho, akhrido, aadna qorto luuqada Ingiriisiga waxaadna ubaahan kartaa inaad barato xirfado cusub. Haddaad horay uga shaqaysay xirfad gaara markaad wadankaaga joogtay, waxaad ubaahan kartaa inaad casharo qaadato aadna hesho shahaado kahor intaadan shaqo xirfadaas ah kahelin Maraykanka.

Raga iyo dumarka labaduba way shaqeeyaan Maraykanka. Haweenku waa nus kamid ah dadka shaqeeya, waxayna qabtaann isla shaqooyinka ragu qabto heerarka oo dhan, waxayna si joogtaa ukormeeraan shaqaalaha raga ah.

Marka Maraykanka lajoogo, caruurta jira da’da 14 iyo kuwa kasii wayn waxay kashaqayn karaan shaqooyinka haaf maalinta ah, waxaase koobnaan kara saacadahay shaqayn karaan iyo noocyada shaqo ee ay qaban karaan. Dad badan oo kamida dadka da’da yar ee Maraykanka waxay shaqeeyaan haaf maalintii kadib iskuulka, maalmaha dhammaadka todobaadka, iyo xiliyada fasaxa caadiga ah. Dawladu Maraykanku waxay leedahay sharciyo ay ku ilaaliso dhalinta shaqaalaha ah.

Employment in the United States

Xuquuqaha iyo masuuliyadaha Shaqada

Maraykanka, shaqaaluhu waxay leeyihiin xuquuqo siiba masuuliyado markay joogaan goobta shaqada. Waxaad xaq uleedahay in mushahar lagugu siiyo shaqadaada shuruucda shaqada ayaana kadifaacaaya shaqaalaha xaaladaha shaqo ee aan amaanka ahayn. Sidoo kale waa muhiim inaad bixiso canshuuraha Dawlada Maraykanka.

Qofka aad ushaqayso kuma takoori karo sabab laxariira qaxootinimadaada ama kuuma diidi karo shaqada ama dalacsiinta sababao laxariira da’daada, naafonimadaada, xaaladada guur, isirkaaga ama wadankaad katimid, midabkaaga, diintaada, jinsigaaga, sinjiga, ama qaabkaaga galmo. Si kasta ha ahaatee, shaqooyinka qaar, gaar ahaana dawlada, waxaa kaliya loo ogolyahay muwaadiniinta Maraykanka.

Shaqaaluhu waxay xaq uleeyihiin inay kashaqeeyaan deegaan ka xor ah midab takoor iyo dhibaatayn. Dhiibataynta galmo waa dhaqan kasta oo sifo galmo kaasoo kadhiga qofka inuu dareemo in la baqdin geliyay ama uusan kuqanacsanayn lamana ogola goobta shaqo.

Employment in the United States
Employment in the United States

Suaalaha Inta Badan La Iswaydiiyo

Wakaaladaada shaqada ayaa kugu xiraysa adeegyada shaqada meelkasta oo aad dagan tahay, laakiin adaa leh doorka ugu wayn ee raadinta iyo haynta shaqadaada. Inaad shaqo raadiso waa muhiim dalkaan Maraykanka, shaqadaada koobaadna manoqonayso mid lamid ah ama isku nooc ay yihiin shaqadii wadankaaga. Waxay noqon kartaa heer biloow ah, shaqo lasiiyo dadka aan khibrada lahayn, waxayna sidoo kale noqon kartaa mid kumeelgaar ah ama haaf ah. Maadaama qiimaha nolasha ay aad usarayso Maraykanka, waa wax caadi ah, raga iyo dumarkuba waa inay ka shaqeeyaan meel ka baxsan guriga.

Gadiidka dadwaynha ayaa laga helaa inta badan magaalooyinka wadanka Maraykanka. Gaariyaal looma bixiyo sidii qayb nidaamka dib udajinta ah. Sidaas awgeed, waxay ubadan tahay inaad ku tiirsanaato gaadiidka dadwaynaha si aad ugaarto shaqadaada koobaad.

Mowduucyada xidhiidhka leh

Diyaar ma u tahay inaad tijaabiso aqoontaada?

Wax ku baro mashquulka

App-ka Settle in waa saaxiib waxtar leh oo ku caawinayo inta aad kujirto safarkaaga dib u dejinta ee Mareykanka. Wax ka baro nolosha Maraykanka oo ku dhis xirfadahaaga su’aalo xiiso leh iyo casharro.

Qaabab badan oo wax lagu barto

Iyadoo ay jiraan casharro is-dhexgal ah iyo muuqaalo,markasta waxaa jira wax cusub oo la ogaan karo. Settle In waxay ka dhigtaa mid xiiso leh in la barato wax ku saabsan dib u dajinta gudaha Maraykanka. Wax ku baro xawaarahaaga – waxaan halkaan u joognaa inaan wadada kugu hagno adiga.