Xuquuqaha iyo masuuliyadaha

Sharciyda dalka Maraykanka waxaa loogu talo galay inay difaacaan xuquuqda dhamaan dadka ayna kujiraan qaxootiga. Waa muhiim inaad leedahay aqoonta aasaasiga ah ee xuquuqdaada sharci iyo waajibaadkaaga markaad Maraykanka joogto.

Dooro qaabka aad u baranayso xogta ku qoran boggaan. Waxaad daawan kartaa muuqaal, waxaad soo degsan kartaa xaashida xaqiiqooyinka, ama waxaad dhagaysan kartaa cod. Dookh kasta wuxuu bixinayaa xog iskumid ah.  

Sharciyada Maraykanka

Maadaama Maraykanka uu maamulo sharcigu, waxaa jira shuruuc badan oo qaxootiyada laga rabo inay bartaan. Waxaad masuul katahay inaad barato sharciyad aadna ogaato waxa kugu dhacaaya hadaad jabiso.

Markaad Maraykanka joogto, waa lagu ciqaabi karaa haddaad sharciga jabiso, xataa haddaadan aqoon sharciga aad jabisay. Ciqaabta qof uu kumutaysan karo danbigiisa waxay noqon kartaa in loo tarxiilo (loo celiyo) wadankaagii aad ka timidi. Sababtaan awgeed waa muhiim inaad barato aadna adeecdo sharciyada.

Rights and Responsibilities in the United States
Rights and Responsibilities in the United States

Waxaa jira sadex nooc sharciyo ah Maraykanka:

Sharciyada federalka, sida sharciyada kadhanka ah ka ganacsiga daroogada, waxuu qabanayaa qofkasta oo Maraykanka kunool.

Sharciyada gobalku way kala duwan yihiin gobal ahaan.  Tusaale, gobalada qaar waxaad liisanka darawalnimada kuhelikartaa da’da 16, laakiin gobalada kale waa inaad gaartaa da’da 18.

Sharciyada maxaliga ah waxay quseeyaan magaalo ama degmo gaar ah. Kuwaan waxaa kamida sharciyada quseeya qaylada ama baakimida garigaaga.

Kahortaga Midab Takoorka

Sharciga Maraykanku wuxuu xarimayaa takoorka, inkastoo macluumaadka sharciyada kadhanka ah midab takoorka ay kala duwan yihiin gobal ilaa gobalka kale. Hadii laguu cunsuriyadeeyo ama laguu diido xaqaaga sababo laxariira asalkaaga, midabkaaga, diintaada, jinsigaaga, wadankaad kasoo jeedo, waxaad xaq uleedahay inaad raadiso tallaabo sharci.

Aan dembilahayn Ilaa Danbi Lagu cadeeyo

Hadii wax danbi ah lagugu eedeeyo Maraykanka, waxaa lagaaga fekeraa qof aan danbi lahayn ilaa danbi lagugu cadeeyo. Waxaad xaq uleedahay inaad hesho qareen, kaasoo kuwu matali doona maxkamada. Hadaan lacag uhayn qareen, maxkamada ayaa lacag siinaysa mid kumatala.

Rights and Responsibilities in the United States

Heerkaaga Sharci iyo Muwaadinnimo

Heerkaaga Qaxootinimo

Sanadkaaga koobaad ee aad Maraykanka joogto, waxaad haysan doontaa sharci qaxootinimo.  Inta waqtigaan lagu jiro waa inaad qaadatid nuqul kamid ah i-94 gaaga iyo kaar sawir leh oo dawladu soo saarto kaasoo aad sidaynayso markasta si aad u cadayso xasaanadaada sharci.  Markaad haysato sharciga qaxootinimo, kama bixi kartid Maraykanka adoon fasax qaadan. Kuxafido dukumiintiyadaada asalka ah meel amaan ah.

Kaqaxooti ahaan, waxaad samayn kartaa kuwaan soosocda:

  • Waxaad usafri kartaa meel kasta Maraykanka dhexdiisa ah. (Xasuusnoow, haddaad guurto, waxaad lagaa rabaa inaad wargaliso Adeegyada Mudwaadinnimada iyo Socdaalka ee Maraykanka (USCIS) 10 maalmood gudahood kadib markaad kaguurtay gurigaaga.)
  • Waxaad gadan kartaa hanti.
  • Waad shaqayn kartaa.
  • Iskuul ayaad gali kartaa.
  • Waxaad udacwoon kartaa xaaskaaga iyo carruurtaada aan guursan ee kayar da’da 21 sano. Haddaad doonayso in xaaskaaga iyo caruurtaada ay kuugu yimaadaan Maraykanka, wakaalada dib udajinta ayaa kuusheegaysa waxaad samaynaysid.

Waxyaabaha aadan samayn karin intaad qaxootiga tahay:

  • Maqaadan kartid baasaboorka Maraykanka, ciidanka kuma biiri kartid, doorashada kama codayn kartid, ama kama shaqayn kartid shaqo dawladu bixiso oo ubaahan muwaadinnimada Maraykanka.
  • Uma safri kartid dibada Maraykanka adoon fasax kahaysan USCIS, wakaalada dawlada ee masuulka ka ah socdaalka.

Hadday qasab tahay inaad dibada aado, wakaaladaada dib udajinta ayaa kuusharxaysa sida loo codsado fasax.

Haddaad kunoqoto wadankaagii asalka ahaa adoo wali qaxooti ah, waxaa suuragal ah in laguu diido inaad kusoo noqoto Maraykanka.

Degaanshaha Rasmiga ah

Kadib markaad hal sano joogtid Maraykanka, waa inaad codsataa daganaanshaha sharciga ah ee joogtada ah (LPR), ama haystaha “Green Card”. La qabsiga heerka sharci waa mid aad muhiim u ah: sharciga ayaa kaadoonaaya, waana jidkii aad kuheli lahayd muwaadinnimada Maraykanka.

Wixii macluumaad dheeraada ah ee ku saabsan shuruudaha socdaalka, latasho wakaaladaada dib udajinta markaasna xubin kamid ah shaqalaha ayaa kucaawinaaya ama kuugudbinaaya qof kucaawin kara.

Muwaadinnimada

Kadib afar sano iyo sagaal billod oo aad ahayd qof si joogta ah udagaanaa Maraykanka, waxaad codsan kartaa muwaadinnimo. USCIS ama wakaaladaada dib udajinta ayaa kuusheegi kara waxaad u baahantahay inaad samayso si aad unoqoto muwaadin. Ayadoo ay lasocdaan waxyaabo kale, wa inaad lahaataa dabeecad mooraal wanaagsan leh aadna aqoon aasaasi ah uleedahay Ingiriisiga iyo taariikhda iyo dawlada Maraykanka. Soogalootiga ama qaxootiyaasha noqday muwaadiniinta xaq u leeyihiin inay lahaadaan xuquuqo la mid ah iyo mudnaan sida muwaadiniinta kudhashay Maraykanka.

Diyaar ma u tahay inaad tijaabiso aqoontaada?

Wax ku baro mashquulka

App-ka Settle in waa saaxiib waxtar leh oo ku caawinayo inta aad kujirto safarkaaga dib u dejinta ee Mareykanka. Wax ka baro nolosha Maraykanka oo ku dhis xirfadahaaga su’aalo xiiso leh iyo casharro.

Qaabab badan oo wax lagu barto

Iyadoo ay jiraan casharro is-dhexgal ah iyo muuqaalo,markasta waxaa jira wax cusub oo la ogaan karo. Settle In waxay ka dhigtaa mid xiiso leh in la barato wax ku saabsan dib u dajinta gudaha Maraykanka. Wax ku baro xawaarahaaga – waxaan halkaan u joognaa inaan wadada kugu hagno adiga.