Language:

Goob amaan ah

USRAP waxay kushaqaysaa deegaan amaan ah. Dhamaan shaqaaluhu waxay halkan ujoogaan inay kucaawiyaan waxayna aaminsanyihiin xuquuq loo simanyahay. Haddii lagugu xadgudbo sababo laxariira caqiidadaada, diintaada, jinsigaaga, ama dareenkaaga galmo, waxaad usheegi kartaa shaqaalaha USRAP. Hoos ka baro wax badan.

Dooro qaabka aad u baranayso xogta ku qoran boggaan. Waxaad daawan kartaa muuqaal, waxaad soo degsan kartaa xaashida xaqiiqooyinka, ama waxaad dhagaysan kartaa cod. Dookh kasta wuxuu bixinayaa xog iskumid ah.  

USRAP waxay u adeegtaa ayna difaacdaa qaxootiyaasha ayadoon laga fiirinayn dhalashadooda, isirkooda, diinta, sinjiga, ama qaabka galmada. Waan ognahay in aad murugo soomari karo noloshaada aadna ahaan karo dhibane lasoo jirdilay, lagu sameeyay xadgudub dhanka jinsiga ah ama xad gudubyo xuquuqaha aadamaha ah oo kale. Waa caadi inaad usheegto waxaad soomartay shaqalaha kiiskaaga ama kormeeraha xili walba. Shaqaalahu waxay marwalba xifdinayaan sirnimada macluumaadkaaga.

Haddaad rabto in adiga iyo xaaskaaga isku jinsiga tihiin inaad iskusoo raacdaan Maraykanka, sidaas waad samayn kartaa haddii adiga iyo xaaskaaga aad is qabtaan si sharci ah. Si guud, sharciga meesha aad iskuguursateen ayaa go’aaminaaya in guurkaagu uu xaq uleeyahay soogalida Maraykanka. Dadka isku jinsiga ah ee isqaba kuwaasoo xaq uleh inay helaan USRAP waxaa la isku kaabi karaa kiisaskooda si isku meel looga dajiyo Maraykankahaday xaq uyeeshaan dib udajin.

Safe Space
Safe Space

Ready to test your knowledge?

Education Settle in app

Download the Settle In App

Get unlimited access to hundreds of lessons designed for all learners

Apple Store icon
Get it on Google Play store
Settle In App

Test your Knowledge

With short videos and interactive lessons, you can learn about a wide range of pre- and post-arrival resettlement topics like traveling to the U.S., housing, and looking for a job.