Language:

Shaqada Haweenaynda Qaxootiga ah

Shaqadu wadankaan Maraykanka waa wax aad muhiim ugu ah mustaqbalka qoyskaaga iyo wanaagooda fayadhawrkooda, si lamida hormarkaaga iyo awoodaada dhaqaale ka haweeneey ahaan. Dhamaan dadka waawayn, dumar iyo iyo rag ba, kuwaasoo udhaxeeya da’da 18 iyo 64 kuwaasoo awood uleh inay shaqeeyaan waa inay waa inay xooga saaraan muhiimad kadhigtaan raadinta shaqo. Hoos ka baro wax badan.

Dooro qaabka aad u baranayso xogta ku qoran boggaan. Waxaad daawan kartaa muuqaal, waxaad soo degsan kartaa xaashida xaqiiqooyinka, ama waxaad dhagaysan kartaa cod. Dookh kasta wuxuu bixinayaa xog iskumid ah.  

Faaiidooyinka shaqada

Marka Maraykanka lajoogoo haweenku waa nus kamid ah dadka shaqeeya, waxayna sameeyaan isla shaqooyinka ragu sameeyo heerarka oo dhan, waxayna si joogtaa ukormeeraan shaqaalaha raga ah. Helida iyo ilaashashada shaqadu waxay faaiidooyin badan utahay adiga iyo qoyskaaga.

Taageerida dadka guriga kunool – marka labada xaasba shaqeeyaan,dhaqaalaha guriga waa kobcaa, taasoo fududaysa inaad awood uyeelataan inaad iska bixisaan qarashaadka sida biilalka iyo kirada, si lamida cuntada iyo dharka. Dhaqaalaha labada qof wuxuu sidoo kale sahlayaa inaad lacag kaydsataan aad kordhisaan awooda dhaqaale ee qoyskiina.

Helida Faaiidooyin Shaqada Laxariira – Shaqooyinka qaar waxaa lasocda faaidooyin sida caymiska caafimaadka taasoo qofka aad ushaqaynaysid uu kusiinaayo qorshsyaal caymis uuna siiyo shaqaalaha uuna inta badan bixiyo qayb kamid qarashaadka bishii. Halka qarashka kale ee caymiska laga jaro mushaarka shaqaalaha. Inta badan dadka Ameerikaanka ah waxay kutiirsan yihiin barnaamijyada caymiska ee shaqada laga siiyo maadaama qiimaha daryeelka caafimaadku uu aad usareeyo caymiska caafimaadkuna wuxuu kagacan kagaystaa in qiimahaas hoos loodhigo. Helitaanka caymis cafimaad oo lagaa siiyo goobtaada shaqo waa faaiido wayn.

Kobcinta Ingiriisigaaga – Inaad kashaqayso banaanka guriga waxay kuusahlaysaa inaad kobciso aadna barato Ingiriisiga inta aad lajoogtid saxiibadaada shaqada yo macaamiisha goobtaada shaqo. Barashada Igiriisigu waxay kuusahlaysaa inaad kumilanto bulshaddada aad kordhiso awoodaada si aad umaarayso arimahaaga hadaad aadayso dukaanka adeegga xaafada, xafiiska dhakhtarka, ama bangiga.

Isdhexgalka Shaqada abulshada – Goobta shaqadu waxay sidoo kale kuusahlaysaa fursad aad kudhexgasho bulshada noocyadeeda kala duwan aadna barato dhaqanada iyo dabeecadaha Ameerikaanka, taasoo kuusahli lahayd inaad si fiican ula qabsato wadankaaga cusub. 

Helitaanka xirfado shaqo – Shaqadaada koobaad waxaad kahelaysaa xirfado shaqo iyo aqoon aad ugu diyaar garoowdo shaqadaada xigta. Markasta oo aad xirfado badan hesho, waxaa sii badanaaya fursadahaaga helida abaalmarino ama helida shaqo kasii mushaar badan.

Raacida gaadiidka dadwaynaha ama barashada sida gaari loowado – Aadista iyo ka imaanshaha goobtaada shaqo waxay ubaahan kartaa inaad raacdo gaadiidka dadwaynaha ama aad barato sida gaari loo kaxaeeyo. Barashda sida loo isticmaalo gaadiidka dadwaynaha ama gaari loo kaxeeyo waxay qayb wayn kaqaadanaysaa madax banaanidaada iyo iskufilnaanshahaaga, waxay kaacaawinaysaa inaad laqabsato deegaankaaga iyo magaaladaada, waxayna kusiinaysaa dareen ah inaad halkaan leedahay.

Employment for Refugee women
Employment for Refugee women

Hooyooyinka shaqeeya iyo Hooyooyinka aan la qabin an xaaska lahayn

Haween badan oo caruurta yaryar korinaaya waxay dhib kuqabaan inay mashquulka shaqada iyo korinta caruurta, gaar ahaana haday yihiin kuwo aan la qibin xaas lahayn. Hase yeeshee, waxaa jira sifooyin lagu caawin karo hooyada kashaqaysa meel kabaxsan guriga. Hal xal waa inaad caruurta aad  gayso carruurta daryeelk adeega maalintii Adeegyada xanaanada maalintii maaha kuwo bilaash ah. Early Head Start waa barnaamij dawlada federalku maalgaliso kaasoo ilaaliya caruurta faqiiriinta ah ii da’da laga bilaabo dhalashada ilaa 3 sano. Barnaamij kale, Head Start wuxuu caawiyaa qoysaska haysta caruurta da’doodu tahay 3 ilaa 4 sano. 3 to 4. Kadiiwaangalinta caruurtaada mid kamida barnaamijyadaan waxay u ogolaanaysaa hooyada kaligeed ah, ama labada waalid ba, inay kashaqeeyaan banaanka guriga. Xalka kale waa inaad ugayso saxiibada, dariska, ama xubnaha qoyska sida ayeeyooyinka/awoowayaasha si ay uhayaan caruurta inta waalidku shaqada jiro. Dadka isqaba, xalka kale waa in mid kamid waalidiinta oo sameeyo shaqo dhawr-saacadood ah ee habaynkii ama saacado kamid ah maalmaha fasaxa asbuuca.
Employment for Refugee Women

Waxkabadalida Qaabka uu Qoysku noloshiisa umaareeyo

Aneerikaanku waxay qiimeeyaan madax banaanida raga iyo dumar kaba. Qoysas badan, ninka iyo xaaska naagta labaduba waa shaqeeyaan qoysaska qaarna, naagta ayaa kamushaar badan ninka. Qoysas kale, xaaska naagta ayaa shaqo hesha ninkuna ma helo. Sidaas markay tahay, ninka waxaa laga rabaa inuu caruurta ilaalsho marka aysan iskuulka jirin.

Xaaladaha saan oo kale ah, raga qaar ayaa dareemi kara inay waayeen doorkoodii hogaamineed ee qoyska. Haweenka qaar ayaa dareemi kara walwal maadaama ay ayagu qaateen masuuliyado cusub ayna noqdeen qofka mushaarka ugu badan qaata. In ay istaageeraan, ayagoo si furan oo daacadnimo ah iskula hadlaaya, waxay kordhin kartaa fahanka iyo fududaynta  faa’iidada istareeska labada xaas ee isqaba. 

Employment for Refugee women
Employment for Refugee women

Diyaar ma u tahay inaad tijaabiso aqoontaada?

Wax ku baro mashquulka

App-ka Settle in waa saaxiib waxtar leh oo ku caawinayo inta aad kujirto safarkaaga dib u dejinta ee Mareykanka. Wax ka baro nolosha Maraykanka oo ku dhis xirfadahaaga su’aalo xiiso leh iyo casharro.

Qaabab badan oo wax lagu barto

Iyadoo ay jiraan casharro is-dhexgal ah iyo muuqaalo,markasta waxaa jira wax cusub oo la ogaan karo. Settle In waxay ka dhigtaa mid xiiso leh in la barato wax ku saabsan dib u dajinta gudaha Maraykanka. Wax ku baro xawaarahaaga – waxaan halkaan u joognaa inaan wadada kugu hagno adiga.